Dhaktar Maraykan Ah Oo Ishiisa Laga Helay Virus-ka Xanuunka Ebola-ha

0
414

Mid ka mid ah dhakhaatiirtii ka soo shaqaysay wadamada uu ragaadiyey xanuunka Ebola-ha ee Afrka ,gaar ahaana wadanka Sierra leone ayaa ishiisa laga helay cudursidaha Ebola,kadib markii uu dalkiisa kusoo noqday,isaga oo muddo u shaqaynaayey hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO oo dalkaasi geysay.
Dhakhtarkan oo lagu magcaabo Jan Crosa ayaa xanuunkaasi helay bishii September ee sannadkii hore,iyada oo loo qaadya wadankiisa Maraykanka,halkaasina lagu daweeyey,waxaana la dhigay dhakhtar ay lee dahay jaamacadda lagu magcaabo Emory University  Hospital oo ku taala Georgia.
Dhakhtarkan ayaa ka badbaadey xanuunkaasi ,isaga oo aan mar dambe ku noqon wadankaasi Sierra leone ee uu hore uga soo qaaday xanuunka,waxaana la sheegay inuu weli ku jiray Virus ka keena xanuunku dhiigiisa,taasina ay tahay ta keentay in indhihiisa lagu arko.
Markii uu bogsaday ee dhakhtarka ka baxay laba bilood ka dib ayuu dhakhtarkaasi ka cawday indhaha ,sidoo kalena caabiga dhiigisaa cabasho kasoo jeediyey,taasina waxay keentay in dhakhtarka lagu celiyo oo baadhitaano lagu sameeyo,ugu dambayna la ogaado in Virus ka keena xanuunkaasi inuu ku jiro indha Dhakhtarkaasi.
Dhakhtarkan ayaa hore u sheegay in dadkii uu xanuunkan ka daweeyey ahaayeen kuwo sidan oo kale uga caban jiray indha,iyada oo ay dhakhaatiirtuna sheegeen in aanu saamayn badan ku yeelanayn jidhka uuna ku noolaan karo halkaasi muddo bilo ah.
Sida ay sheegtay hay’ada caafimaadka adduunku ,waxa uu asiibay xanuunkani dad gaadhaaya 26.5,000 oo qof,sidoo kalena waxa u dhintay dad ka badan 11,000 oo qof,waxaanay intaasi raacisay inuu xanuunkaasi hoos u dhacay waqtigan.

Leave a Reply