Magac Daayeer Loo Bixiyay Oo Laba Dal Iska Raali Geliyeen

0
403

Beer xayawaan oo ku taalla dalka Japan ayaa raali gelin siisay qoyska boqortooyada Ingriiska maalintii khamiistii ka dib markii Daayeer ku dhashay beertaasi loo bixiyay magaca wiilka u dhashay amiirka Ingriiska Charles.  Waxaanay beertu samaysay boodh ay ku dalbanayso inay dadku usoo bixiyaan magac cusub Daayeerka dhashay.
Waxase beerta soo gaadhaya qoraalo lagu dalbanayo in magaca daayeerka loo daayo oo aan laga bedelin. Akira Asano, oo ah mas’uulka beerta xayawaanka ee Takasakiama ayaa yidhi “sidee ayay shacbiga Japan u arki lahaayeen haddii magaca amiiradood loo bixiyo daayeer. Waxaana uu sheegay inay iyaba ka xun yihiin magacii  loo bixiyay markii ugu horaysay Daayeerkan ay mushkiladi ku timi. Maalintii Arbacdii qoraalo baraha Internetka ah ayaa soo gaadhay xarunta beerta. Magaca loo bixiyay daayeerka ayaa marka hore lagu keenay hab codqaadis ah taasi oo 59 ka mid ahi dadkii codka laga qaaday ay u dooreen magacaasi marka uu dhashay , cod qaaditaasi oo socotay muddo bil ah.

Leave a Reply