Muhaajiriin lagu Badbaadiyay Xeebaha Talyaaniga

0
363

Ugu yaraan 100 qof oo muhaajiriin ah oo u kala dhashay Somali, Masar iyo Sudan ayaa badda laga soo badbaadiyay. Saraakiisha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in dadkan oo ay ku jiraan tira caruur ah oo aanay cidi la socon la soo gaadhsiiyay xeebaha Sicily.
Qulqulka dadka muhaajiriinta ah oo si xad dhaaf ah u kordhaya ayaa waxaaa uu dhaliyay dood ku saabsan sidii loo hakin lahaa.
Madaxweynaha Faransiiska Françoise Hollande ayaa sheegay in loo baahanyahay in golaha amaanku ogolaado in la burburiyo doonyaha dadka tahriibiya intaanay rakaabka soo qaadin
Laakin guddoomiyaha Laan qayrta Cas ee Talyaaniga Francesco Rocca ayaa sheegay in duqaynta doonyaha dadka lagu tahriibiyo aanay xal ahayn.
 

Leave a Reply