Maraykanka oo Tababaraya Falaagada Suuriya

0
396

Milateriga Maraykanka ayaa bilaabay in uu tababaro koox yar oo ka mid ah jabhaddaha suuriya, waana dadaal uu ugu dambayntii ku doonayo in la abuuro xoog u babacdhigi kara ka hortaga Daacish.
Xoghayaha difaaca ee dalka Maraykanka Ashton Carter ayaa sheegay in ku dhawaad sagaashan qof lagu tababaray wax uu ugu yeedhay meel ammaan ah.
Tababarada ayaa waxa ay ka socdaan goobo ku yaala Urdun, Turkiga iyo Sacuudiga.
Waxa sidoo kale la qorsheynayaa in ciidamo kale oo dheeri ah la tababaro todobaadyada soo socda.
Pentangon-ka waa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo waqtiga lagu wada in ciidankan uu galo dagaalka.
Tan iyo dabayaaqadii sanadkii tagay maraykanka waxa uu qeyb ka ahaa isbahaysi caalami ah oo duqeyn cirka ah ku hayey Daacish oo si dhaqsa ah dhul ballaadhan kala wareegtay Suuriya iyo Ciraaq.
 

Leave a Reply