Warbixin ka Hadlaysa Arrimaha Doorashada UK

0
422

Lix toddobaad oo olole siyaasadeed iyo doorasho ay socdeen, Britain waxay  ku soo toostay dowlad cusub, taasi oo ay Conservative ay aqlabiyad ku leeyihiin aqalka baarlamaanka UK, iyadoo hoggaamiyahooda David Cameron uu bilaabayo in xilli labaad uu noqdo Raiisul Wasaare.
 
Toddobaadyo saadaasha codbixiyeyaashu waxay muujineysay in doorashadu ay noqon doonto mid barbar dhac oo aanay xisbina guuleeysan doonin.
Inta badan wax weyn oo u kala dhaxeeyay labada xisbi ee ugu waaweyn Muxaafidka iyo Shaqaalaha ma jirin.
Ra’yi uruurinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xisbiga Scottish National Party uu ku guulaysan doono inta badan kuraasta Scotland – midaasina sax ayey noqotay.
Si kastaba ha ahaatee, waxa ay ku khaldaneyd ra’yi uruurintu in todobaadyo la saadaaliyo in axsaabta waaweyn ay heli doonaan kuraas siman – dhab ahaantii xisbiga Muxaafidka ee Conservatives-ka, kaasi oo hogaaminayay xukuumaddii wadaaga aheyd ee Britain shantii sano ee la soo dhaafay, ayaa haatan waxa uu si xarago leh kaligii ku hogaaminayaa natiijada doorashada maadaama uu xisbigu ku guulaystay aqlabiyad ka badan  326 kursi.
Burburka ku yimid kuraastii xisbiga Labour-ka ayaanan weli si buuxdo loo falanqeyn hasayeeshee qeyb ballaadhan ayaa waxaa ku guulaystay oo kor ugu soo kacay xisbiga wadaniga ah ee Scotland.
SCOTLAND
 
Xisbiga the Scottish Nationalists (SNP) ayaa haatan waxa uu ku guulaystay 56 ka mid ah 59-ka kursi ee baarlamanka Scotland.
Waxaa u suuragashay in ay dalka ka saaraan xisbiga Labour-ka halkaasi oo uu ku guulaysan jiray aqlabiyadda – oo loolanka halka looga taliyo Britain oo kaliya ma ahanee xitaa waxa ay kala wareegeen xubnaha baarlamaanka Edinburgh, kaasii oo awood badan u leh arrimaha Scotland.
Xisbiga SNP ayaa ku guuldareystay aftidii madax banaanida Scotland ee la qabtay sanadii hore, hasayeeshee natiijooyinka maanta ayaa suuragal ah inay u horseedo tallaabo kale.
Hogaamiyaha xisbiga Nicola Sturgeon ayaa si joogta ah uga soo horjeeday dhaqaale jaridda adeegyada bulshada, hase ahaatee miisaaniyadda ayaa waxaa weli gacanta ku haya siyaasiyiinta ku sugan London – taasi oo ka dhigan dhaqaale kastaa ee la jaraa in sidoo kale uu saameyn doono iyaga.
Taas ayaaba suuragal ah in xisbiga SNP uu taageero dheeraad ah ku helo, halka jawaabta ka soo bixi karta xisbiga Conservatives-ka ay u muuqato in ay diirada ku saaraan in ay awood dheeraad ah Scotland u siiyaan arrimaheeda – balse ay la dagaalami doonaan iskudaykasta oo cusub oo ku aadan madaxbanaani.
 
 
Hannaanka codbixinta ee Britain ayaa waxaa loo yaqaan “Ciddii cod badataa guulaysatay” taasi oo ay macnaheedu yahay musharaxii helaa codadka ugu badan deegaanka uu ka taagan yahay ayaa ku guulaystay kursiga.
Hasayeeshee waxaa qeyb ahaan jirto isku dhexyaacsanaan.
Tusaale ahaan, xisbiga SNP waxa uu helay boqolkiiba 4.8 guud ahaan codadka la dhiibtay, iyo 56 xildhibaan. Halka xisbiga United Kingdom Independence Party (UKIP) uu helay boqoley intaa ka badan oo ka yara sareysa boqolkiiba 12, taasoo ka dhigtay in xisbigaasi uu noqdo xisbiga saddexaad ee ugu weyn dalka – sidaas oo ay tahayna xisbigu waxa uu helay hal xildhibaan oo kaliya.
Xisbiga the Green Party ayaa helay hal xildhibaan oo kaliya – hasayeeshee waxa uu boqolkiiba 4 ka helay saamiga qaran ee codadka la dhiibtay.
Ama haddii aan codad ahaan u badalno, xisbiga UKIP waxa uu helay 3.8 milyan oo cod, wuxuuna helay hal xildhibaan oo kaliya, halka xisbiga SNP ay u codeeyeen 1.45 milyan oo qof misana ku guulaystay 56 xildhibaan.
 
 
Xildhibaannada cusub oo ku hor dhaaran doona boqorad Elizabeth-dda labaad ayaa kala duduwan. Deegaannada ku yaalla London ee Kilburn iyo Hampstead waxaa hadda matali doona Tulip Siddiq, oo uu adeer u yahay ra’iisul wasaaraha Bangladesh ee hadda xilka haya, waxaana awoowe u ah hogaamiyihii ugu horreeyey ee waddankaas Sheikh Mujibur Rahman.
Dhinaca kalena, Sayga ra’iisul wasaaradda Denmark, Stephen Kinnock, ayaa loo doortay inuu matalo deegaan ku yaalla Wales. Mr. Kinnock aabbihiis, Neil, ayaa isku dayey laakin ku guul darraystay inuu noqdo ra’iisul wasaare ka soo jeeda xisbiga shaqaalaha sannadihii sideetameeyadii iyo sagaashameeyadii.
Xildhibaanka ugu da’da yar Britain ee la soo doorto tan iyo 1667kii ayaa ah Mhairi Black, oo ah 20 jir xubin ka ah xisbiga SNP, waxayna ka guulaysatay saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha.
Xildhibaankii ugu horreeyey ee isir ahaan ka soo jeeda Shiinaha ayaa noqonaya Alan Mak oo ka tirsan xisbiga muxaafidka, waana qareen ay waalidkiis u soo haajireen Britain, ayagoo ka yimid koofurta Shiinaha. Maqaaxi cunnada fudud laga helo ayey ku leeyihiin magaalada York. Muwaadiniinta asalkoodu ka soo jeedo Shiinaha ayaa 1% ka ah dadka Britain.
 

Leave a Reply