Tuulo Ay Ku Nool Yihiin 18 qof Oo La kiraynayo

0
423

Tuulaa lagu magacaabo Megayr oo ku taalla koonfurta galbeed ee caasimadda dalka Hagary ayaa  la kiraynayaa iyadoo qofka kiraystaa uu bixin doono maalintii 700 Euro ah. Duqa tuuladan fog Christoph Bagger oo 42 jir ah ayaa sheegay inay tuuladan ay degen yihiin oo keliya 18 qof sida lagu daabacay wargeyska “The Guardian” British. Waxaan la soo bandhigay qoraal xayaysiis oo tuulada lagu faahaahiyay.  Tuuladana ayaa dhan 1182 km. Kiraystaha ayaa isticmaali doona dhamaan wadooyinka magaalada . waxa kale oo uu isticmaali karaa xafiiska duqa, xarunta dhaqan, bas iyo 7 guri oo gogolan.
Waxa kale oo uu isticmaali karaa xoolaha tuulada oo dhamaantood kuwaasi oo ah lix faras, laba Sac, saddex Ido ah, iyo digaaga beeraha.  Waxa kale oo uu beeran karaa dhul dhan 4 hctr. Sida laga soo xigtay AFP duqa ayaa doonaya inuu tuulada horumar ku sameeyo.
 
 
 
 

Leave a Reply