Word Press Oo Heshay Digniin, Korna Qaabka uu u samaysan yahay Website-keedu

0
605

Shirkadda ka shaqaysa samaynta Websites oo inta badan kiraysa ama iibisa Domains ka iyo Hostin-ka ay isticmaalaan Websites ku ayaa heshay digniino ku wajahan websites laga samaysto oo la sheegay in qaarkood la doonaayo in la jabsado ,sidoo kalena qaar kamid ah lagu diray Virus badan.
Shirkadda oo soo saartay war qoraala ayaa sheegtay digniintaasi ay heshay inay noqon doonto mid keentay inay kor u qaado heeskeeda amaan iyo samays shirkad ahaan.
Waxaanay sheegtay inay ka dhigi doonto godadka ay ku shaqayso kuwo adag ,gaar ahaana bedeli doonto lambaradda waqtigan ,iyada oo ka dhigaysa 4.2.2,kaas oo ay sheegtay inuu aad uga adag yahay kii hore,ayna adag tahay in la jabsado websiteska ku xidhan markay godadka intan ka dhigaan.
Kooxaha dhinaca amaanka u qaabilsan shirkadda iyo khubaro kale oo technology-ga ku takhasusay ayaa sheegay in websites ka shirkadan ku xidhani ay halis ugu jiraan in lala wareego,iyada oo ay system kooda shaqo ku jiraan niman tuugta Computerska ahi (Hackers),taasina ay tahay mid loo baahan yahay in laga hortago.
Sidoo kale khubaradan ayaa sheegtay in inta badan la doonaayo in lagu sii daayo Websites ka ku xidhan shirkaddan waxyaalo Virus ah oo loo soo raacinaayo Cyber Security-ga taas oo dhaawac u geysan karta Computers ka dadka macaamiisha ah iyo sidoo kalena Websites kaba.
Jabsiga Websites kan ayaa la sheegay in sidoo kalena loo adeegsan karo Program ay sheegeen khubaradani in la yidhaahdo XSS oo u suurtogelinaaya tuugtaasi inay si yar oo fudud ula wareegaan maamulka Websites kaasi.
Masuuliyiinta shirkadda Word Press ayaa sheegay inay iminka doonayaan inay kasii gaashaantaan waxyeelada kaga iman karta tuugtaasi,iyaga oo sida ugu dhakhsaha badan wax uga bedelaaya godadka ay hadda ku shaqeeyaan.
 


 

Leave a Reply