Saxaabiga Abii Umaama (rc) ayaa yidhi:
Rasuulka (scw) ayaa u tegay Waxaan ku idhi i far camal markaan sameeyo aan Jannada ku gelaayo ? Wuxuuna igu yidhi :” Soon” . Sababtoo ah Wax u Dhigma Ma jiro. Mar kale ayaan haddana weydiiyay oo uu sidaasi iigu jawaabay.
Kaalmee dadka aad garanayso iyo kuwa aanad garanayn , waayo waxaad dareemaysaa faraxad. Adiguna xagga Allah (sw) ayaad ka helaysaa abaal iyo wanaag. Wanaaga Abaalkiisu waa wanaag.
Waan tilmaan fiican iyo sifo ay dadku kuugu soo xoomayaan hareerahaaga naxariista ay kaa dareemaan, Ummada ayaana kugu jeclaata xataa iyagoon kuba aqoon.
Waxyaabaha ilaalinta Allah (sw) lagu helo waxa ka mid ah inaad akhrisato aayad kursiga habeenkii markaad seexanayso iyo markaa aad waabariisto ee aad salaadda subax tukato.
Waxaa fiican inaad habeenkii seexato adigoon qofna caloosha waxba ugu hayn, oo laab xaadhan, haddii aanad hore u samayn is bar. Dadkii hore ee wanaagsanaa (selef) waxay odhan jireen markay seexanayaan Allahayaw waxaan sadaqaystay qof kasta oo naftayda ku xadgudbay , waana aan saamaxay ee Allaw adiguna i saamax.