Dad lagu laayay Dalka Switzerland

0
524

Booliiska Switzerland waxa ay sheegeen in tiro dad ah lagu toogtay waqooyiga dalkaasi.
Saraakiil ka socota deegaanka Aargau, ayaa helay tiro maydad ah oo daadsan dhisme gudahii iyo barxadiisa, goobtaasi waxa ay u dhawdahay xadka ay Germanka la wadaagaan.
Booliisku waxa ay sheegeen in ay ay tixraaceen warar sheegaya in xabado la maqlay.
Afhayeen u hadlay booliiska ayaa BBC-da u sheegay in loo malaynayo in xabadahaasi ay yihiin kuwo dhibaato qoys dhexdii ka dhalatay, isla markaasna aysan wax xidhiidh ah la lahayn argagixisanimo.
 
 

Leave a Reply