Doorashadii maalintii khamiistii ka dhacday Ingriiska ee uu ku guulaystay xisbiga Muxaafidka ee Cameron ayaa muujisay in dad gaadhaya 113 cod bixiye ay codkooda siiyeen musharax dhintay ka hor afar todobaad doorashada. Musharaxan oo ah Roni Carol oo da’diisu ahayd 80 jir ayaa dhintay 13 April , waxaana uu caan ku ahaa heesaha Yurub oo uu tartan ku galay sanadkii 1962 iyo 1963 kuna guulaystay abaalmarintoodii.