Huteelada caalamiga ah ayaa ku tartama sidii mid kastaa uu uga faraxin lahaa macmiishiisa. Laakiin huteel ku yaalla Calforniya ayaa isagu ka duwan waxaana uu a siiya waayo aragnimada cabsida.
Huteelkan oo lagu magacaabo Mac Kami Manu ayaa macmiilka usoo bandhiga muuqaalo dad aragagax abuuraya iyo weliba filimada argagaxa leh. Arrimahan ayaa macmiisha mararaka qaarkood ku abuura cabsi.
Wargeyska Dail mail oo daabacay warbixintan ayaa daabacay in 24 kun oo qof ay habeenkii ku qaatan huteelkan inay daawadaan muuqaaladaasi naxadinta leh, iyagoo 8 saacadood ay tahay mudada ugu dheer ee qofka loo ogol yahay inuu kiraysto huteelkan.
Waxa yaab noqotay muuqalada lagu soo bandhigo masas , abeesooyin iyo Caarooyin ku xidhan qafaskooda , dad la laynayo oo dhiigu ka dadaanayo iyo aragagax iyo waxyaabo badan oo qofku cabsi gelin kara.
Booqashada gaaban ee qofka macmiilka ahi ku qaato huteelkan ayaa keenta inuu ka tago isagoo naxsan laakiin nabad qaba, inkastoo ay jiraan dad ilmeeya sideeda saacadood ee loo ogol yahay inay joogaanba, kana taga iyagoo ilamaynaya.