Tareenka aya ka dhaqaaqayay Newyork, rakaabkuna si degan ayay u fadhiyeen oo xasiloon. Qaarkood waxay akhrisanayeen wargeysyo , kuwo kalen waxay iska fadhiyeeen si raaxo leh, jawiguna wuxu ahaa mid degen. Markii uso koray nin ay la socdaan caruurtiisu ayay tareenka degenaanshihiisa waxa iska bedeleen, waxaana bilwoday buuq iyo orod ay caruurtu samaynayeen.
Ninka la socday caruurta ayaa si degan kursiga iskaga fadhiyay isagoo indhaha ka qarsanaya waxa aya samaynayaan caruurtiisu. Caruurta ayaa qaylinaysay oo mararka qaarkoodna wax isku tuurtuurayay , xataa mararka qaarkood waxay rakaabka ka jiidhayeen wargeysyada ay akhriyayaan, ilaa uu arinku isu bedelay mid aragagax leh. Welina aabaha dhalay caruurta wuu iska fadhiyaa isagoo indhaha ka xidhay waxan ay caruurtu samayanayso ee dadkii dhibay.
Maanan arag nin sidan nacas u ah oo caruurtiisa ku eega noocan ayay dad badani lahaayeen. Markii loo adkaysan waayay ayuu nin dhinciisa u jeestay oo ku yidhi “ mudane caruurtaadu dadkii way dhibeen , waxaan la yaabanahay sidaad ugu adkaysnaynso , miyaanad dareen lahayn? Ninkii ayaa indhaha kala qaaday sidii nin meel kale ku mqanaa ka dibna si degan ayuu u yidhi “ Way tahay inaan arinkan dadka dhibaya wax ka qabato, laakiin haddana imika ayaanu ka nimi Isbtilaalka Tuna halkaasi oo ay saacad ka hor hooyadood ku dhimatay. Sidaas darteed aniga ayaa u dooray dariiqa qaylada halkii ay ku jiri lahaayeen kan murugada “ Jawigii ayaa mar keliya is bedelay dadkiina waxa ka buuxsamay dareen iyo shucuur naxariiseed oo ilowsiisay qayladii caruurta.