Xisbiga UCID Oo Ku Gacansaydhay Mudaharaad Uu WADDANI Ku Baaqay

0
558

Hargeysa (Dawan)  Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa sheegay in xisbi ahaan aanay WADDANI kula socon Muddaharaadka uu ku baaqay in dalka  laga dhigo.
Cali-guray oo shalay Warbaahinta kula hadlay xarunta Xisbiga UCID ee Maagaalada Hargeysa, waxa kale oo uu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI uu saxeexay heshiiskii ay ku midaysnaayeen saddexda xisbi qaran oo uu markii dambe  kaga baxay.
“Muddaharaadka ay ku baaqeenna kuma jirno, waxaannu eegaynaa in Guurtidu ay qaadato tallo bixintayadii, waxaananu jecel nahay oo aannu ugu jecel nahay inay ku saleeyaan tii la isla ogolaa ee 1 June. Arrinta aanu doonaynaa  waa taa,”  Ayuu yidhi Cali-guray.
Guddooomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf waxa uu intaas ku daray “Saddexda xisbi wey ku heshiiyeen arrinkaa, weliba bisha November cida qabatay ee soo jeedisay waa WADDANI, KULMIYE-na  wuu ku raacay, UCID haddii aanu nahayna laba bilood oo keliya ayaanu istaagnay , annaguna soo jeedintii WADDANI baanu qaadanay ay soo jeediyeen. Nasiib-darro markii la saxeexayay heshiiska waa la waayay Guddoomiyihii WADDANI, mana aha markii ugu horaysay ee Cirro uu Faysal Cali Waraabe khiyaameeyo wuu iska  bariinsaday, laakiin waxaan leeyahay mar i dage ALLE ha dago laba jeer i dagese anigaa isku dagay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply