Dalka dunida ugu luqadaha badan ayaa noqday dalka Papa New Genie , kaasi oo ku yaalla meel u dhow dalka Usteraliya.
Dalkan ayaa lagaga hadlaa 820 luqadood. Dadka ku nool dalkan ayaa kala wada go’an oo ay kala xidheen kaymo, buuro iyo webiyaal , taasi oo tuulo kasta ay noqotay dawlad gaar ah oo taariikhdoodu ka duwan tahay kuwa kale, markaasi oo bulsho kasta oo meel kuwada nooli ay curisay luqad iyada u gaar ah.