Maalin ay cadceedu si fiican u diirisay dhulka, quruxdiisuna muuqato, ayay gabadh macalimad ahi ardaydeeda siisay casharadii caadiga ahaa. Waxaana maskaxdeeda ku soo dhacay inay carruurta debedda u saarto oo ku siiso waano barxadda debedda si ay ugu raaxasytaan Cadceeda quruxda badan.
Markii ay ardaydu dhegaysanaysay waanadeeda ayay gacanteeda ku tilmaantay geed yar oo ku beerta ku yaallay, ka dibna mid ardayda ka mid ah ayay tidhi soo goo. Waana usoo rujiyay geedkii yaraa ee la beeray. Haddana geed kale ayay tilmaantay oo ay mid ardayda ka mid ah tidhi soo ruji. Waana usoo rujiyay isagoon kala kulmin wax dhibaato.
Geed weyn oo ku yaallay oo la hadhsado ayay haddana ku tidhi ardaygii yaraa soo ruji. Ardaygii ayaa ugu jawaabay taasi ma dhici karayso waayo waa geed muddo hore la beeray oo gaboobay xogna ah.
Macalimada ayaa dhool cadaysay waxayna ku tidhi caruurtii “Dhirtu waa sida caadadeena xun oo kale, haddii dhaqankeenu xun yahay oo wakhtigu dheeraado, ma goyn karaysaayn sida geedka. Haddaba waa in dhaqankiina bedeshaan oo hagaajisaan inta aad yar tihiin Haddii kale mar danbe ma goyn kartid caado xun oo aad is bartay.