Wasaaradda Warfaafinta Oo Sharaxday Qorsheyaal ay Ku Weynaynayaan Xuska 24 Guuradda Somaliland

0
364

Hargeysa(Dawan) – Wasiir ku-xigenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, isla markaana ah Gudoomiyaha Gudida wasaaradaas u qaabilsan qaban-qaabada xuska munaasibada 24-guuradda  ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee 18-ka May, ayaa tafaasiil ka bixisay kaalinta warbaahinta dawladda iyo ta madaxa-banaaniba ay ka qaadan doonaan noolaynta xuskan oo dalka ahmiyad weyn ugu fadhiya.
 
“Sida aynu la soconno waxa fooda innagu soo haysa maalin qiimo weyn qaranka Somaliland ugu fadhida oo ah maalinta 18-ka May oo ah maalinta qaranimada Somaliland oo ummada ku dhaqani  go’aan sadeen inay noqdaan qaran madaxbanaan oo aayahooda ka dawladnimo ka tashaday. Munaasibadaas weyn wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta oo hormood ka ah qaban qaabada howlaha 18 May, kaalin mug lehna kaga jirta debaal-degaas,  waxa ay bilowday oo howlihii qaranka ay u haysay ku siyaadisay wacyigelin la xidhiidha taariikhda dharaartaas iyo 24-kii sannadood ee la soo dhaafay wixii qabsoomay inaynu bulsho-weynta dareen siinno,”ayay tidhi Marwo Shugri Xariir oo shalay shir jaraa’id ku qabatay xafiiskeeda.
Wasiir Shugri oo hadalkiida sii wadatay waxay intaas ku kabtay “Dhammaan waaxyaha wasaaraddu  ka kooban tahay oo dhammi waxay si buuxda ku howlan yihiin sidii ay ummada ay u gaadhsiin lahaayeen wararka iyo barnaamijyada taariikhiga ah ee 18 May ay leedahay ama loogu tallo-galay, iyadoo waax waliba gudanaysa waajibaadkooda kaga aadan si bulshadeenna ay ula socoto dhaq-dhaqaaqa horumarineed ee ka socda dalka, islamarkaana qof kastoo  muwaadin ahiba  uga qayb qaato.”
Wasiir Ku xigeenku waxay sheegtay inay wasaaraddu diyaarinayso weriyeyaal iskugu jira kuwa wasaaradda iyo warbaahinta madaxa-banaan oo ku soo wareegi doona gobollada wadanka, iyadoo arrintaas ka hadlaysayna waxay tidhi  “Wasaarada warfaafintu  waxay si mug leh ula shaqeyn doontaa dhammaan warbaahinta Madaxa-banaan ee Somaliland, weriyayasha goballada jooga, weriyayaal ku soo wareegi doona dalka oo dhan oo is dul taagi doona horumarka dalku  gaadhey guud ahaan gaar ahaan 5-tii sanno ee xukuumada  hadda jirtay tallada haysay.”
Marwo Shugri Xariir waxay sheegtay in qalabka warbaahinta dawladdu ay si toos ah u bulshada ugu baahin doonaan munaasibadda 18-ka May oo ku beeggan Isniinta fooda innagu soo haysa.  “Wasaarada warfaafinta waxay ku tallo-gashay in maalinta 18 May si toos ah (live) oo nool ay u gudbiso dhammaan barnaamijyada dabaal-dega ee ka dhici doona todobaadka dambe dhammaan degmooyinka iyo gobalada dalka iyo daafaha caalamkaba,”ayay balan-qaaday Marwo Shugri Xariir Ismaaciil.
By:Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply