Cuqaasha Iyo Waxgaradka Hargeysa oo Taageeray Go’aankii Golaha Guurtidda

0
448

Hargeysa(Dawan):-Qaar ka mid ah   Madax-dhaqameedka  Iyo wax-garadka  Beelaha Arab, ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen caasimadda Hargeysa, waxay ku sheegeen inay taageersan yihiin muddo kordhintii aqalka odayaashu u samayeen xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda, ka dib markii ay doorashooyinkii la filayay inay dalka ka dhacaan 26-ka Bisha June ee fooda innagu soo haysaa ay dib u dhaceen.
Cuqaashan iyo wax-garadkaasi waxay ku baaqeen in nabad-gelyadda la ilaaliyo oo la joojiyo mudaharaadka uu ku baaqay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Chief Caaqil  Naasir Ay-jeex Jaamac  Cawad oo ah  Jiif caaqilka  Guud ee Beelaha Caballa Abokor Iyo Sheekh Cismaan , Chief Caaqil Cabdilaahi Faarax Qaabille ,Caaqil Cabdi Muxumed Good ,Odey Sulub Cabdiraan,Chief Caaqil Maxamed Xaaashi Cabdilaahi, Caaqil Maxamed Xaashi, Axmed Ibraahim  Carraalle, Caaqil Cabdicasiis Aw Daahir Biixi , Odey Cumar Ismaaciil Hayaan, Caaqil Cabdi Xaashi Maax iyo  Oday Cabdi Yuusuf Geelle, waxaanay sheegeen inay ayidsan yihiin go’aanka dastuuriga ah ee ay soo saareen Golaha Guurtidda oo ay ku sifeeyeen inay yihiin mus-dambeedka Somaliland.
Chiefcaaqil  Naasir Ay Jeex Jaamac  oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay  “Shirkan waxa Aanu ugu tallo galnay  In Aanu kaga hadalno laba Qodob oo kala ah Qodobka Ay Guurtidu Ansixiyeen Iyo Qodobka Nabad-galyadda. Waxaanu leenahay muddo kordhinta madaxweynaha loo sameeyay waa mid sunne ah oo madaxweyneyaashii ka horeeyay oo dhan loo sameeyay. Waxaan qabaa muddo kordhintani tahay mid aad yar oo farsamo keentay.”
“Haddii Aanu nahay cuqaasha dhaqanka ee  degmadda  Axmed Dhagax, Waanu Taagersan nahay,waxaanan leenahay go’aanka Guurtidda waanu taageersan nahay, waxaanan leenahay raga TV-yadda ka hadlaya nabad-gelyadda ilaaliya,”ayuu intaas raaciyay Jiif caaqil Naasir Ay-jeex.
Dhinca Kale Caaqil Cabdi Xaashi Maax, oo  Isna halkaasi ka hadlay   Mudahaaradyada sharci darrada ah ee WADDANI ku baaqay, waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay inaan ka hadlo mudaharaadka mucaaridku ku baaqay, waxaan qabaa in dalkeenna iyo dadweynuhuba aanay u baahnayn wax mudaharaad ah.” Sidoo  kale waxa isna shirkaas jaraa’id ka hadlay   Cabdi Yuusuf Geelle, waxaanu yidhi “Madaxweynuhu Mucaarid wuu soo ahaa haddii uu Soo ahaana Maanta Talladii Dalka isaga ayaa  gacanta ku haya si fiican ayuu u shaqeeyay, mudadii uu hayayna waxqabad la taaban karo ayuu qabtay, waxaanu leenahay carqalada ha laga daayo madaxweynuhu dadkiisa ha u adeegee.” Waxay cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Arab shacbiga Somaliland ugu baaqeen in meel looga soo wada jeedsado wixii nabad-gelyadda iyo ammaanka dalka wax u dhimaya.
 
 
 
 
 
 
Xisbiga WADDANI Miyuu Xeerin Waayay Qaranimadii Iyo Dantii Guud
By: Cabdi M.Saleebaan (Mingiste)
 
Waxaan halkan cambaareyn iyo naqdi uga soo jeedinayaa Xisbiga Waddani oo  iyadoo lagu jiro u diyaar garowga 18 May ,ku baaqay in ay  mar    kale dalka ka abaabulayaan  Mudaharaad maalinta Khamiista ee 14 May 2015.
Haddaba waxaan   halkan uga soo jeedinayaa  Xisbiga Waddani :-

  1. Shacabka Somaliland gudaha iyo dibadaba,Xukuumada,Goleyaasha,waxay ku mashquulsan yihiin,u diyaar garoowga dabaal-dega  maalinta Qarannimada  Somaliland ee 18 May.Sidaa daraadeed,waa ayaan darro weyn in  iyadoo loo dabaal degayo  18 May ay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani  ku baaqan Mudaharaad,qas iyo rabshado aan loo baahneyn.

 

  1. Waa cadahay in Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani,aanay dan iyo muraad ka laahayn, deganaashaha iyo ammaanka  Qaranka inta  lagu jiro dabaal dega 18 May,waxaa kale oo ayaan darro weyn ah in Xisbiga Waddani,ay qiimayn waayaan,tixgelin waayaan  qiimaha iyo qaayaha ay leedahay 18 May.

 

  1. Waxaa  la gudboon,waajib ku  ah  Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani,in ay sida  ugu dhakhsaha badan uga noqdaan,Mudaharaadka iyo rabshadaha ay ugu baaqayaan taageerayaashooda.

 

  1. Haddii ay deg deg uga noqon waayaan baaqa Mudaharaadka ay ku baaqeen Xisbiga Waddani,Shacabka Somaliland waxaan ka codsanayaa in ay dhegaha ka furaystaan markale,hana ogaado Shacabka Somaliland in Xisbiga qaderin waayey 18 May,Shacabkana waxaa la gudboon in ay kala noqdaan wixii taareero ah ee ay  hayaan Xisbiga Waddani.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply