Shaqaalaha Madbacadda Qaranka Oo Loo Carbinayo Inay Socod Gaardis ah ku Soo Bandhigaan 18-ka May

0
363

Hargeysa (Dawan)-Shaqaalaha Madbacadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay loo carbinayay sidii ay socod gaardis ah ugu mari lahaayeen  munaasibadda 24 guurrada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee 18-ka May.
 
Shaqaalaha madbacadda qaranku waxay sannadihii ugu dambeeyay kaalin weyn ka qaateen muunaynta munaasibadaha 18-ka May sannadkana waxay doonayaan inay ka mid noqdaan shaqaalaha dawladda ee mari doonaan dabaal-dega munaasibadda 18-ka May.
“Waxa aanu samaynaa subaxnimadda hore inta aan shaqada la bilaabin, tababar kooban oo shaqaalaha lagu carbiyo gaardiska, si ay u maraan munaasibadda 18-ka May ee dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland,”ayuu yidhi mid ka mid ah shaqaalaha madbacadda qaranku. Waxaanu sheegay in arrintani ay tahay mid qaranka oo dhan u leh dareen waddaniyadeed oo weyn.
Maareeyaha Madbacadda qaranka Md. Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey) ayaa  shaqaalaha madbacadda uga mahad celiyay siday ugu heelan yihiin  inay dhoolatuska iyo dabaal-dega munaasibadda 18-ka May. “Shaqaalaha madbacadda qaranku way ku wanaagsan yihiin marka ay joogto muujinta qaranimadda iyo barnaamijyadda danta caamka ah la xidhiidha. Waxa shaqaalaha iyo maamulka madbacadda qaranku ay kaalin firfircoon ka qaateen ololeyaashii nadaafadda qaranka iyo munaasibadihii 18-ka May ee sannadihii u dambeeyay oo dhan,”ayuu yidhi Maareeyaha Madbacadda qaranku.
 
Maareeyuhu waxa uu sheegay in madbacadda qaranku ay daabaci doonto Istiikaro kala duwan oo ay ku oqran yihiin hal-ku dhigyo ka turjumaya munaasibadda 18-ka May.
Marka laga reebo ciidammadda kala duwan waa ha’yadda kaliya ee dawladeed ee shaqaalaheeda loo carbinayo inay socod gaardis ah ku maraan munaasibadda 24 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply