Dalka Afkhaanistaan ayaa noqoday dalka dunida sida ugu xun loola dhaqmo dadka da’da ah. Hay’adda International Help Age ayaa sheegtay in dalka kaalinta ugu hoosaysa kaga jiro xaaladda nololeed ee dadka waaweyn ee dunida uu yahay dalka Afkhaanistaan. Sidoo kalena hay’adda ayaa sheegtay in kaalimaha dalalka sida ugu wanaagsan ula dhaqma dadka da’da ah ay gashay dalka Norway, kan labaadna Sweden, swiserland, Kanada, Jarmalka. Japan waxay noqotay dalka sagaalaad.
Qaramada Midoobaya ayaa iyan sheegtay in dadka ay da’doodu ka weyn tahay 60 sano ay laban laabmi doonaan sanadka 2050, iyadoo dadka da’ada ay noqon doonaan 21% dadka dunida ku nool.