Wasiirka Caafimaadka Oo Laba Ambalaas Kala Wareegay Ururka SOS RURAL

0
455

Saylac (Dawan) – Wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye ayaa deeq gaadiidka caafimaadka ah ka gadoomay ururka SOS RURAL oo fadhigiisu yahay dalka Jabuuti, deeqdaasi oo ka koobnayd laba gaadhi oo Ambalaas ah.
Munaasibad loo sameeyay guddoonkii deeqdan oo lagu qabtay magaalada Lawya-caddo ayaa waxa goob joog ka ahaa Badhasaabka gobalka Salal, Mudane Cabdirisaaq Waaberi Rooble, mayarka degmada Saylac, taliyayaasha ciidanka ee difaaca iyo socdaalka iyo madax ka socota ururka SOS ee dalka Jabuuti.
Deeqdan oo ka koobnayd labo gaadhi oo Ambalaas ah ayaa waxa loogu tala galay cisbitaalaka wayn ee Ugaas Xasan Xirsi Hospital ee degmada Saylac iyo cisbitalka wayne ee Ugaas Mustafe General Hospital ee degmada Xariirad.
Wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye ayaa munaasibadaasi ugu horayn hadal ka jeediyay waxaana uu yidhi “Lawyacado anoo jooga waxaan halkan uga mahad celinayaa shacabka reer Jabuuti guud ahaan, xukuumada jabuuti, ururka SOS Rural inaanu ka guddoono deeq caafimaad oo aad u muhiim ah, waa ambalaasyo iyo dhakhtar oo karuura ku yaala, waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa ururka SOS iyo shacabka iyo dawlada Jabuuti, sida wanaagsan ee walaaltimada leh, hadaanu nahay walaalahooda Somaliland sida ay noo caawiyaan waxaanan jeclahay inay sii badiyaan”.
Geesta kale waxa goobtan hadal ka soo jeediyey Abwaan Ibraahim Qoor-yare oo ku hadlayey afka ururka SOS RURAL ee fadhigiisu yahay dalka Jabuuti isagoo sheegay inay deeqdan ugu tala galeen walaalahooda Somaliland waxaana uu yidhi “aniga oo ku hadlaya magaca ururka SOS RURAL oo ambalaaskani ay ku soo deeqeen ururku walaalahood ayaa furayaashii labada ambalaas lagu karaameeyey inaan gudoon siiyo wasiirka caafimaadka Somaliland”.
Gabo gabadii waxa halkaas hadalo mahad naq ah uga soo jeediyey ururkaasi maayarka gobalka Saylac Xuseen Iidle Barkhadle oo sheegay inuu ururkani aad ula shaqeeyo mana aha markii u horaysay ee urukani soo gaadhsiiyaan gobalkan Salal.
By:Cabdi M.Safwaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply