Waqooyiga Kuuriya oo lidka diyaaradaha u Adeegsatay Dilka Wasiirkii Difaaca

0
363

Wasiirkii difaaca ee waqooyiga Kuuriya Hyon Yong-chol ayaa loo dilay in Aanu  daacad u ahayn oo uusan ixtiraamin hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un, waxaa sidaasi baarlamaanka u sheegay laanta sirdoonka ee dalkaasi.
Xildhibaanada waxaa loo sheegay in Hyon la dilay sodonkii bishii hore, laguna dhuftay lidka diyaaradaha isaga oo ay daawanayaan boqolaal qof, sida ay tabisay wakaaladda wararka ee Yonhap.
Sirdoonku waxa ay sheegeen in uu wasiirka difaacu uu seexday intii lagu guda jiray kulan uu ka qaybgalayay Madaxwaynuhu isla markaasna uusan raacin tilmaamihii la siiyay.
Warkani waxa uu yimid todobaadyo kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la toogtay 15 sarkaal oo sarsare.
Dadkaas waxaa ka mid ahaa labo wasiir ku xigeen oo ka horyimid siyaasadaha madaxwaynaha iyo xubno ka tirsanaa fanka, sidasin waxaa sheegay Hay’adda Qaran ee sirdoonka dalkaasi.
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply