Lix Caado Oo Aynu Samayno Oo Halis Ku Ah Caafimaadka Indhaha Oo Dhakhaatiir Ka Digeen

0
415

Indhuhu waxay ka mid yihiin xubnaha ugu muhiimsan ee jidhkeena, isla markaana ugu xasaasisan oo u bandhigan khataro ku hareeraysan, haday noqoto dhibaatooyin kaga timaada xaga cimilada iyo midaynu inagu sabab u noqonaba, waxay halis ugu jiraan markaste cudurro kala duwan oo ay kamid yihiin indho ingag, indho xanuun, bakooro, iyo waliba aragtida oo daciifta amaba meesha kabaxda.
Hadaba Allxiiso Online waxay akhristayaasheeda sharafta mudan usoo gudbinaysaa 6dan qodob ee dhibaato caafimaad ku keeni kara indhahaaga hadii aad samaysid, ka digtoonow:
Adeegsiga xad dhaafka ah ee qalabka electroniga ah: Aaladaha cusub sida computerka, taleefannada casriga ah, TV-ga, Ipadka iyo tablets-ka iyo qaybo kale oo badan oo ku shaqeeya korontada ayaa waxay indhaha kusoo daayaan shucaac lamid ah falaadhaha loo yaqaan (ultraviolet rays), waxaanay dhakhaatiirta indhuhu ku talinayaan in indhaha la nasiyo 20kii daqiiqoba hal mar, iyada oo uu qofku fiiriyo meel kafog, kadib 2 ilbidhiqsi uu indhaha isku qabto kadibna uu mar labaad eego meeshii ka fogayd mudo hal daqiiqo ah, arinkani ayaa waxa uu indhaha u ilaalinayaa caafimaadkooda una dhawrayaa awooda araga ee ilaahay inagu manaystay.
Dadaal la’aanta xidhashada muraayada cadceeda (Sunglass): Muraayadaha cadceeda ayaa waxay indhaha ka ilaaliyaan falaadhaha cadceeda oo si toos ah ugu dhaca, waayo waxa ku hareeraysan indhaha diir aad u xasaasi ah, waxaanuu yahay meelaha ugu badan ee uu haleelo xanuunka cancer-ka diirku.
Xidhashada lenseska indhaha marka aad hurudid: Sida lagu ogaaday diraasad ay soo saartay akaadamiyada culuumta indhaha ee maraykanku ayaa ku seexashada lenses-ka indhuhu ay kor u qaaddaa qalaylka indhaha, waayo waxay lenses-kani awdayaan oxygentii soo gali lahayd isha, waxaana laga yaabaa in dhibaato kale kaasoo gaadho markaad subaxii iska saaraysid.
Ku seexashada waxyaabaha wajiga lagu qurxiyo (Make-upka): Inkaste oon markiisa horeba la amaanin make-upka ayaa hadana waxa uu sabab u noqdaa dhibaatooyin caafimaad oo dheeraad ah hadii lagu seexdo, waayo waxa uu awdaa meelaha uu jidhku ka neefsado, taasoo dhib caafimaad soo gaadhsiisa qofka, sidaa awgeed waxaa fiican inaad iska maydhid waxyaabaha wajiga lagu qurxiyo (make-upka) intaanaad sariirta tagin.
 
Isticmaalka xad dhaafka ah ee dawada dhibcaha indhaha: Adeegsiga xaddhaafka ah ee dawada indhaha lagu dhibciyo taasi oo kaxaysa indha casaanta ayaa waxay dhibaato soo gaadhsiisa indhaha qofka, sidaas awgeed waxaa lagama maarmaan ah inuu qofku la tashado dhakhtarka inta aanuu dawooyinka noocan ah adeegsan.
Lenseska indhaha ee waqtigoogu dhacay (Expired): Waxa muhiim ah inaad ogaatid taariikhda ku qoran lenseska indhaha, iyo inaad adeegsan hadii aad aragtid inay dhacday, waayo waxa laga qaadaa dhibaayin caafimaad oo badan
ugu dambayntii waxa iyaduna lagama maarmaan ahInaad ku dadaasho baadhitaanka indhahaaga ugu yaraan sannad kastaba hal mar haday suurto gal tahay, hadii laguu qoray muraayada indhaha waa inaad markaste xidhnaataa haday tahay ta araga fog, hadii araga dhaw iyo akhriska laguugu qorayna waxaa muhiim ah in aad markaad wax akhriyaysid uun xidhatid

Leave a Reply