Ceerigaabo Iyo Munaasibada May

0
337

Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa si weyn looga xusay maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May oo ku beegan sannad-guuradii 24-aad ee kasoo wareegtay la soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee 1991-kii.
 
Munaasibadan xuska maalinta qarannimada Somaliland oo lagu qabtay fagaaraha garoonka kubadda cagta ee Daallo Staduim, iyadoo ay si mugleh uga qayb qaateen hay’addaha laamaha dawladda, ururrada bulshada iyo shacabka magaalada Ceerigaabo oo ku lebisan calanka saddexda midab leh ee Somaliland iyo boodhadh ay ku xardhan yihiin erayo ka turjumaya sida qarannimada iyo madax-banaanida Somaliland ay muqadaska u tahay. Waxa sidoo kale goobtaas socod gaardis ah ku soo bandhigay ciidamada booliska, asluubta iyo milateriga.
 
Waxaana munaasibadda 18-ka May dadweynaha reer Ceerigaabo kala qayb galay masuuliyiinta maamulka gobolka, maamulka degmada iyo maareeyaha hay’adda waddooyinka Somaliland.
 
Waxaana ugu horeyn halkaas dadweynaha kala hadlay maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, waxaanu yidhi. “Waa maalintii qaranka anigoo ku hadlaya magaca golaha deegaanka waxaan aad ugu mahad-naqayaa degmada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag ba, sida fiican ee ay dabaal-dega uga soo qaybgaleen, waxaan rajaynayaa cid alaala ciddii aynu aragno ee midnimadeena iyo danteena kasoo horjeeda inaynu ka midawno.”
 
Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay oo isaguna la hadlay dadweynaha ka qaybgalay xuska maalinta qaranka ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa. “Maanta waa maalin qaran waxaynu farriin u diraynaa caalamka oo ay ka doonayno ictiraaf, waayo waynu joognaa xilligii la ina ictiraafayay. Dadweynaha reer Sanaag waxaan leeyahay midnimo ayaa la inooga baahan yahay, maantana way idinka muuqataa midnimadaasi, anigana badhasaab ahaan si fiican ayaad iila shaqayseen waanan idiinka mahad-celinayaa.”
 
Waxa kale oo halkaas ka hadlay xubno tiro badan oo isugu jira, salaadiin, waayeel, aqoonyahanno, dhalinyaro iyo haween oo dhamaantood ku dheeraaday taariikhda maalinta lasoo noqoshada madax-banaanida Somaliland iyo muqadasnimadeeda.
 
Maareeyaha hay’adda horumarinta waddooyinka Somaliland Prof. Xasan Cali Cismaan oo isaguna shacabka reer Ceerigaabo kala qayb-galay xuska 18-ka May ayaa ugu bushaareeyay in wadadii Ceerigaabo la gaadhsiiyay degmada Ceel-afweyn. “Maanta runtii anigoo ku hadlaya magaca wakaallada horumarinta waddooyinka Somaliland farxad weyn ayay ii tahay inaan kala qayb qaato shacabka reer Ceerigaabo oo runtii mashruuca ugu weyn ee aan dhabarka ku sito, iyaga aan u sido xuska 18-ka May, waad aragteen haddaad tihiin reer Ceerigaabo ballantii ay gashay wakaalladayada horumarinta wadooyinku ee ahayd waxaanu dhammayn doonaa 100 km muddo sannad ku siman, waxaan u malaynayaa maanta anagu waanu kasoo baxnay, wadada oo laga bilaabay Ceerigaabo sida aad aragteen Ceel-afweyn ayay afka la gashay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply