Gabadh Ka Soo Kacday Koomo ay Ku Jirtay Afar Sannadood

0
396

Gabadh u dhalatay wadanka Maraykanka oo muddo afar sanno ah ku jirtay koomo ayaa markii ugu horeysay kasoo baxday,kadib markii ay  ay komadan ku gashay gaadhi ay wadatay oo shil la galay,taas oo uu ku xidhnaa ilaa waqtigaasi hawada Oxygen ta loo yaqaano.
Gabadhan oo lagu magcaabo Taylor Hill oo da’deeduna tahay 17 sanno jir ayaa shilkani ku dhacay sannadkii 2011 kii ayaa dhaawaca ugu badani kasoo gaadhay Madaxa,waxaana la dhigay dhakhtarka ,iyada oo ku jirta Koomo,waxaanay sheegeen  dhakhaatiirtu in maskaxda dhiig kaga furmay,waxaanay sheegeen in aan rajo laga qabin inay gabadhaasi soo kacdo,sidaasna waxay u sheegeen in aanay gabadhani kacay xaaladeeduna xun tahay.
Laakin qoyska ay gabadhaasi ka dhalatay ayaan rumaysan dhakhtarkaasi ,iyaga oo dhakhaatiirtu sheegay inay dawada u wadayaan muddada ay dhakhtarka ay ku jirto,iyaga oo sheegay in aanay afar sanno suurto gal ahayn inay soo noqoto,waxaanay sheegeen dhakhaatiirtu in xanguluhu go’ay oo ay adag tahay siday u soo noqotaa,taasina ay keenayso  inay dhimato.
Waxaanay dhakhaatiirtu qoyska inantaasi kula heshiiyeen inay xubnaha jidhkeeda ku caawiyaan dadka kale ee bukaanka ah ee u baahan.
Qoyska inantan ayaa  joojiyey waxyaalihii lagu daweynaayey ,iyaga oo nin ku takhasusay physics ka inuu hab dhaqameed ku daweeyo,kaas oo Madaxa iyo qoorta taabtay kadibna dawada u bilaabay.
Muddo ka dib oo gabadhaasi daweyn lagu wadey ,waxa dhacday muddadaasi ka dib in way soo yar roonaatay,waxaanu ka maqnaa muddo ,waxaanay hooyadeed maalintii dambe ka dalbatay inuu soo booqdo oo dawadii siiyo inantii.
Muddadaasi markii ay inantii Koomadaasi ku jirtay waxa suurto gashay inay soo noqotay inantaasi,iyada oo bilawday inay socoto,waxbarato oo ay hadasho.

Leave a Reply