Khubarada Hubka Ee Ruushka Oo Soo Saartay Qalab Cusub Oo Lagu Soo Saaraayo Diyaaradaha Dagaalka

0
548

Khubaradda hubka ee wadanka Ruushka ayaa soo saaray dhowaan qalab cusub oo soo saaraaya diyaaradaha dagaalka ee wadankaasi, kuwaas oo si fudud loogu soo saaraayo waqtiyo yar hub badan oo ah nooca diyaaraduhu xambaaraan iyo diyaaradaha laftoodaba.
Sida uu sheegay nin u hadlay khubaradan ciidamada oo ah kuwo degan magaalada Lagu magcabo Samara kana mid ah khubaradda dhigta jaamacadda lagu magcaabo Samara University ee dalkaasi Ruushka ayaa sheegay in qalabkani noqon doono mid fududeeya waxyaalo badan oo maanta qaata waqti dheer soo saaristiisu.
Afhayeenkan ayaa sheegay in sannadkan 2015 ka dhamaadkiisa inuu bilaabi doono qalabkani shaqadiisa,waxaanu sheegay inay hubka ugu horeeya khubaradani u adeegsan doonaan soona saari doonaan waqtigaasi ,iyaga oo kaashanaaya saaxibadooda St.Petersburg.
Qalabkan ayaa soo saari doona waxyaalo ay ka mid yihiin baalasha diyaarada ,sidoo kalena soo saari doona qaybo Gantaalada diyaaraduhu xambaaraan kamid ah,kuwaas oo hab casri ah usoo saari doona una shaqayn doona,dadkana nasin doona.
Afhayeenkan ayaa sheegay in qalabkani xalin doono dhibaatooyin badan oo mustaqbalka ahaa kuwo laga cabsi qabay,gaar ahaana qaalinimada soo saarista qalabkan diyaaraduhu ku shaqaynayaan.
Shirkaddan ayaa la aas aasay sannadkii 1942 kii,iyada oo ay aas aaseen kooxo khubaro ah oo ka tirsanaa ciidamada wadanka Ruushku,waxaanay shaqadooda wadeen waqtigaasi ilaa maanta.
 

Leave a Reply