Isbahaysiga uu hoggaaminayo Sacuudigu ayaa dib u bilaabay weerarada cirka ee ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta kadib markii ay dhamaatay muddadii shanta cisho ahayd ee xabbadjoojinta, sidaasna waxa sheegay saraakiisha Yaman iyo dad goobjoogayaal ah.
Dayaaradaha ayaa bar tilmaameedsaday goobaha fallaagada ee magaalada koofurta ee Cadan, inkasta oo QM baaq dirtay ah in la kordhiyo heshiiska si kaalmo dheeraad ah loo gaadhsiiyo dadka.
Dhinacyada Yemen ayaa wada hadallo ku leh Saudi Arabia iyaga oo ka hadlaya sidii loo joojin lahaa qalalaasaha.
Haseyeeshee fallaagada diiday inuu soo noqdo madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi, ayaa qaadacay wadahadallada.
Mr Hadi ayaa ka cararay dalka dhamaadkii bishii March kadib markii ay fallaagada iyo isbahaysigeeda daacada u ah madaxweynihii hore t Ali Abdullah Saleh ku soo dhawaadeen Cadan.