Khubarro Ruusha Oo Heshay Dhagax Jiray 250 Malyoon Sanno

0
381

Saynisyahanada wadana Ruushka ayaa helay dhagax aad da’ahaan u weyn,waxaanu dhagaxani jiray muddo dhan 250 oo malyoon oo sanno,iyada oo hore loo helay dhagaxan sannadkii 2013kii,taas oo aan la eegin,waxaana la eegay dhowaan,taas oo khubaradii eegtay ay sheegeen inuu dhagaxani yahay mid aad u weyn da’ahaan.
Khubaradan ayaa sheegay inay hadda dhameeyeen baadhitaankii ay dhagaxan ku hayeen ama ku wadeen,iyaga oo sheegay in uu dhagaxani kasoo hadhay qarniyo aad u badan oo ina dhaafay,iyada oo khubaradani sheegeen in dhagaxani meel fog ka yimid,sidoo kalena uu ka yimid  dad kale oo meel  kale ku nool ama meere kale ku nool.
Khabiir lagu magcaabo Kftanati ayaa sheegay in dhagaxani yahay qayb kamid ah dhagaxa loo yaqaano Limestone (Crinoid Limestone),kaas oo ka weyn kuwa hadda dunnida lagu yaqaano .
Waxaanay khubaradani sheegeen inay go’aan ku gaadheen inay sii wadaan baadhitaanka dhagaxan ay ku hayaan,iyaga oo si weyn usii dhexgelaaya dhagaxan iyo waxyaalaha ku jira ama ku xeeran ee intan ka badan.

Leave a Reply