Magaalada Boorama Oo Si Balaadhan Looga Xusay 18.ka May

0
419

Shacabka ku dhaqan Magaalada Booraama, ayaa shalay u dabaal degay xuska sannad guurada 24-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland ee 18 May, waxaana fagaaraha khayriyada Boorama shacabka kala hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), maamulka gobolka iyo degmada,  Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Salaadiin.
 
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Cumar Sheekh Maxamed ayaa shacabka ku dhaqan Boorama ugu baaqay inay ka shaqeeyaan adkaynta iyo midnimada Somaliland, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Magaalada Boorama ama gobolka Awdal qori laguma aqoon ee qalin baa lagu yaqaanay, maanta qalankii qori loo bedeli maayo ee qalinkii baa la wadayaa kaasaana lagu xisaabtamayaa, Somaliland cadow bay leedahay  mid guddo iyo dibad-ba ah wey leedahay oo gacan shisheeyee intaa daba socota,  ,gacan shisheeyaa intaa doonaysa inay hoos u dhigto oo ay burburiso, gacan shisheeyaa doonaysa intaa inay had iyo jeer iska horkeento, gacan shisheeyaa doonaysa inay ka faa’idaysato. Aragtida aanu ka leenahay waxa weeyaan Ninkii maslaxda Ummadda Somaliland haya halkan ha yimaado halkanaa lagula xisaatmayaaye, Ninka gacan kale ka dambayso ee doonaya inuu Somaliland meel kale u jeheeyo ama uu burburiyo mid laga yeelayo maaha.” Ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada Xooluhu
 
Guddomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo shacabka Boorama kala qaybgalay munaasibada 18 May, waxa uu yidhi “Farxad gaara bay ii tahay inaan shacabka reer Awdal kala soo qaybgalo munaasibada maalinta qaranimada Jamhuuriyada Somaliland, sidaad u xusteen maalinta qaranka ee 18 May waxay ka farxinaysaa shacabka reer Somaliland , waxaanay ka nixinaysaa cid kasta oo aan Somaliland jeclayn, waxaanay been ka dhigaysaa xantii maalmahan yara jirtay. Waxaynu u baahanahay maalintaa qaranimada ee Burco laga dhaliyay  ee tiirarka loogu taagay Boorama in aynu wada ilaashano, Somaliland weynu wada leenahay, qaranimada weynu wada leenahay, dalka weynu wada leenahay qofna qof kama laha ee weynu wada ilaashanaynaa.”
 
Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa u mahad naqay guddidii qaban-qaabada xuska 18 May ee gobolka Awdal waxaanu yidhi  “Waxaan u mahadnaqayaa Guddida qabanqaabada xuska 18 May, Macalimiinta iyo Ardayada, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Ciidanka qaranka. Waxaan u mahadnaqayaa Wasaarada Cadaalada iyo Diinta iyo  Awqaafta oo u dhabar adaygay taagnaashaha iyo kor u haynta  boodhadhkooda, waxaanan mar labaad aad ugu mahadnaqayaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Marwadiisa oo inagala soo qaybgalay xuskan qaranimada Somaliland ee 18 May.”
 
Sidoo kale Maayarka degmada Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa shacabka Boorama u soo jeediyay inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadgelyada, waxaanu yidhi  “In badan baa na inagu  xamanayay doorkan tollow siday Boorama noqon doontaa, waxaad markhaati ka tihiin inay xantu meelaha dhexda ku eekayd oo kuwa inaga maqani aanay halkan waxba ka taraynin, jiritaanka Somalilandna cidna looma daba fadhiisanayo cid kasta oo nabadgelyada carqaladaynasa weynu ka hortagaynaa. Waxa aynu ka hadlaynaa ta aynu dhisanayn baynu adkaysanaynaa.”
 
Dhinaca kale Salaadiinta gobolk Awdal oo ka hadlay munaasibada xuska sanad guurada 24-aad dib ula soo noqoshada qaranimada Somaliland ee  18 May , ayaa shacabka ku dhaqan Boorama ugu baaqay inay ka shaqeeyaan adkaynta nabadgelyada iyo ilaalinta qaranimada Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply