Magaalada Burco Iyo Sidii Shalay Looga Xusay 18.ka May

0
376

Hargeysa (Dawan)-Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa si ballaadhan looga xusay  munaasibadda 24 guurrada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland oo magaaladda Burco lagaga dhawaaqay 18-kii May 1991-kii.
 
Madaxda  Qaranka iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa shalay si wayn ugu debbaal degay 24 guurada ka soo wareegtay maalinta qarannimada Somaliland.
 
Xukuumadda, Asxaabta qaranka iyo maamulka heer gobol iyo degmo, ayaa si wayn ugala qayb galay dadwaynaha reer Burco, waxaana munaasibadda ka qayb galay Wasiirro uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Jaamac Cabdilaahi Biin, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, Maamulka heer  gobol iyo degmo ee Togdheer iyo Burco iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
 
Shacbiwaynaha ku dhaqan magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, ayaa xuska iyo debbaal degga maalinta qaran waxay halku dhig ka dhigteen “Qarannimada dalkayga doodi kama furna”
 
Masuuliyiinta qaranka iyo dadwaynaha Burco  oo markii ugu horraysay isugu soo baxay Garoonka diyaarahada ee magaalada Burco  halkaasoo loo asteeyay in ay reer Burco ku debbaal degaan ciidammadda qalabka sidaana salaanta qaran ku bixiyaan waxaa ugu horrayn halkaa ka hadlay Maayerka magaalada Burco Maxamed Yuusuf Muraad waxaana hadaladiisii ka mid ahaa. “18 ka May waa maalin bulshada reer Somaliland kaga taalla wadnaha iyo halista oo  ay meel uga soo wada jeedaan, garoonkaa diyaaradaha ee aynu maanta(shalay) xuska ku qabanay  waa dhulkii aynu ugu  nimi raggii muaajihidiinta ahaa ee dalkan xorriyaddiisa u soo halgamay meydadkooda waxaanay astaan lama ilaawaan ah u tahay qarannimada Somaliland.”
 
Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo ka dareen celinayay halkudhigga ay bulshada reer Burco ku debbaal degayeen iyo sida ay u tahay mid aan ka noqosho lahayn,ayaa yidhi: “Qarannimada dalkayga doodi kama taagna waa  farriin aynu u dirayno Soomaaliya iyo  beesha caalamkaba taasoo ah in aanay qarannimada Somaliland ee 24jirsatay gor gortan gali karaynin  isla markaana aanay ummaddani dib uga noqonaynin cid dib  uga celin kartaana aanay jirin”
 
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa isna sheegay in 24 guurada maalinta Qaran ee  la soo noqoshada madaxbannaanida Qarannimada Somaliland in ay astaan u tahay jiritaanka qaran wada jira oo isku tashaday waxaanu tusaale  horumar u soo qaatay dhismaha madaarka Burco ee shalay munaasibadda lagu qabtay oo dib u dhis  balaadhan lagu sameeyay intii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo  talada haysay iyo derajooyinka ciidammadda oo uu tilmaamay in ay tahay guul qaran oo lagu dhiiraday. “Maanta oo aynu u debbaal degayno sanad guuradii 24 aad ee la soo noqoshada Qarannimadda Somaliland waxaynu maraynaa halkii ugu wanaagsanayd waxaa horumarka dalka ka marag ah madaarkan aynu maanta(shalay) ku qabanay xuska dib u dhiska balaadhan ee laga hir galiyay intii xukuumadda KULMIYE talada haysay waxaa sharaf iyo guul qaran ah oo dawladnimadeena dhammaystirtay ah derajada ciidammadda oo xukuumadda maanta joogtaa ku dhiiratay waad arkaysaan ciidankeenna  debbaal degga inagala qayb qaadanaya sharafta ciidan iyo derajooyinka ka muuqda.”
 
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo munaaisabadda 24 guurada maalinta qaran kala qayb galay shacbiga magaalada Burco,ayaa ku dheeraaday  sida loogu baahan yahay in bulshada reer Somaliland is garab taagto ciidammadda oo ay ogaadaan ragga difaaca dalka heeganka u ah waxaa kale oo uu farriin u diray siyaasiyiinta dibad meerka ah ee u dhashay Somaliland oo uu kula taliyay in ay xaqiiqada u soo noqdaan dalkoodana cafis ka dalbadaan oo xumaanta iyo xaasidnimada ka soo noqdaan isagoo ugu dambayna dawladda Muqdisho farriin adag u diray.
 
“Walaalayaal waa in Ciidamadeena aynu garab istaagnaa, waa in Mushaharka loo kordhiyaa, waa in damiirka loo shidaa, maantoo kale waa in Hilib la siiyaa walaalayaal, waa in Lacag la siiyaa oo la dhiiri galiyaa. Walaalayaal Ragga(Ciidanka) inoo heeganka ah ayaan salaan u dirayaa inta aynu innagu halkan habar-habarta isku haysanno”  ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaa ku daray  “Muqdisho waxaa fadhiya maanta oo Aduunku dhakada ka saaray Caruur yaryar oo ku kacday Iskuulkii Maxamed Siyaad Barre, oo aan garanayn wixii aynu ahaan jirnay iyo inaynu qaran ahaan jiray, oo aan garanayn inaynu halgan galnay, oo in la ina xasuuqay aan ogayn oo Idaacadda ka dhegaysan jiray Kubaddii gobolada ayaa Hargeysa lagu qabanayaa inagoo halganka ku jirna, waxay inoo haystaan in inaga iyo Garbahaaray isku mid nahay, inaga iyo Garoowe, Kismaayo ayay ina simayaan. Walaalayaal Ciyaalkaasi waxay ku jiraan Taangiyo African wadaan, waxaa xukumada Nin Ingiriis ah oo Nicholas Kay la yidhaa oo amarka siiya, Soomaali wuu baabiiyay oo wuxuu ka dhigay 5 qaybood. Hadda inagay inoo soo jeesteen oo leeyihiin Somaliland hala soo qabto, Garoowe may inna qaban kartaa walaalayaal? Waa maya,”. Ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.
 
Guddoomiyaha Xisbiga UCID ugu dambayn waxaa uu waano qaran u soo jeediyay dhalinyarada reer Somaliland isagoo farriinna u diray siyaasiyiintda debad meerka ah  “Dalkan waa la xoreeyay waa loo dhintay, 85% dhalinyaro ayaa joogta, mustaqbal baad u baahan tihiin oo reer hebel iyo reer hebel Mustaqbalkiinna dhisi maayo ee Somaliland ku hadaaqa. Qabyaalad cidda idiinla timaada walaalayaal iska naara waa Shayaadiine. Dad u dhashay Somaliland ayaa Muqdisho jooga oo Khaatumo la baxay oo USP la baxay Alle ha soo hadeeyo ayaan leeyahay. Cali Khaliif-na waxaan leeyahay  xaasidnimada ka soo noqo oo toobad keen  xumaantaa  ha ku dhiman e.”
 
Waxaa kale oo guud ahaan debbaal degga 24 guurada maalinta qaran  ee magaalada Burco si weyn uga qayn qaatay guud ahaan dadwaynaha magaalada Burco ardayda jaamacadda iyo dugsiyada kala duwan shirkadaha  ganacsiga iyo hayadaha dawladda iyadoo qurxuda debbaal degga Burco ay sii laban laantay goobta lagu qabtay oo ahayd garoonka diyaaradaha oo roobban xilliganna doogga iyo manka soo baxay hareeraha ka xigeen iyo ciidamadda qalabka sida oo gaaddo ka ciyaar  aad loo jeclaystay ku soo bandhigay halka ay dadwayhaya qaar kaga qayb qaateen fardo lagu soo heenseeyay calanka Somaliland.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply