Midowga Yurub oo Dhisaya Ciidamo la Dagaalama kuwa wax Tahriibiya

0
405

Wasiirada difaaca iyo arrimaha dibadda Midowga Yurub ayaa isku raacay qorshooyin lagu dhisayo ciidamo badeed oo la dagaalama kuwa dadka tahriibiye ee ka howlgala Liibiya.
Madaxa siyaasadda dibadda Midowga Yurub, Federica Mogherini, ayaa sheegtay in howlgalka uu yahay isku day lagu joojinayo nooca shaqo ee shabakadda kuwa wax ku tahriibiya Mediterranean-ka.
Waxay sheegtay in Midowga Yurub uu raadinayo taageerada Qaramada Midoobay ee in xoog la adeegsado ah, taasi oo go’aanka lagu qaadayo howlgalka ugu horeeya lagu gaadhayo kulanka Midowaga Yurub ee bisha soo socota.
Mogherini waxay sheegtay in heshiiska uu muujinayo in MidowagaYurub ay dhaqso u jawaabi karaan marka ay gaadhaan go’aan siyaasadeed.
Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay ku dhawaad lixdan kun oo muhaajiriin ah inay sanadkan Yurub ka soo galeen waqooyiga Afrika.
 

Leave a Reply