Shiinaha : Libaax la Toogtay kadib markuu Dilay Ilaaliyihiisii

0
321

Libaax ayaa toogasho lagu dilay beer xayawaan oo ku taal Shiinaha kadib markii inta uu dilay ninkii ilaalinayay ka baxsaday seerihii uu ku xeraysnaa.
 
Shilkani ayaa ka dhacay axadii beer lagu xanaaneeyo xayawaanka oo ku taal gobolka bari ee  Shandong, ee dalweynaha Shiinaha.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in ilaaliyaha oo ahaa 65 jir uu nadiifinayay xerada markii uu libaaxu ku soo baaday isaga oo ka qaniinay garbaha iyo qoorta. Kadib ayaa ninkaasi u dhintay dhaawacyadii soo gaadhay.
Libaaxa ayaa baxsad ku ahaa gudaha beerta muddo saacad ahayd ka hor intaanu toogan booliisku.
 
Toogashada degdega ah ayaa lagu macneeyay iyada oo laga baqday inuu nafo kale galaafto.
Haseyeeshee dadka u dooda xuquuqda xayawaanka ayaa ku dooday in lagu degdegay dilka libaaxa.
 
 

Leave a Reply