“Waa Nasiib Darro In La ina Yidhaahdo (Reer Awdaloow) Nabadda Ilaaliya oo Ha Is-dillina”Saylici

0
302

Boorama (Dawan):- Madaxweyne ku xigeenka   Somaliland   Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dadka reer Awdal looga baqo inay dumiyaan nabadgelyada dalka ka jirta, maadaama ay yihiin cidii dhidibada u taagay qaranimadda Somaliland.
C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo shalay hadal ka jeediyay fagaaraha Khayriyadda ee magaaladda Boorama oo lagu qabtay munaasibadii  lagu xusayay 18-ka May oo ah maalintii dib ula soo noqoshada Qaranimadda Somaliland,   waxa uu sheegay in shacabka gobolka Awdal  ay  ka soo qayb qaateen heshiisiintii beelaha dega Somaliland, iyo  taabo-gelinta  nabadgelyadda dalka ka  jirta, isla markaana aanay xaq ahayn inay ku kacaan wax nabadgelyada dhaawacaya.
“Marka hore waxa aan hambalyo  u dirayaa dhammaan shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba meel kasta oo ay  joogaanba,  oo aan ku hambalyaynayo  farxada aan ugu dabaal-degayno sanad guurada 24-aad ee ka soo wareegtay markii aynu Qaranimadeenii la soo noqonay,  meel kasta oo ay joogaan shacabka Somaliland, waxaan leeyahay hambalyo hambalyo,” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.
 
Madaxweyne ku xigeenku waxa kale oo  uu tilmaamay in dadka reer Awdal ay ahaayeen kuwii  seeska u dhigay nabadgelyada dalka ka jirta iyo gooni isu taaga Somaliland.  waxaannu yidhi “Waxa aynu ognahay haddii aynu nahay reer Awdal in aynu nahay dadkii nabada dhaliyay ee ka koow ka ahaa,  dib ula soo noqoshada Somaliland Markii walaalaheen beesha dhexe dagaalku dhex maray kuwii u gurmaday ee diiday inay isku dhintaan dadka walaalaha ahi ayaynu  ahayn”.
C/raxmaan Saylici,  waxa uu sheegay inay nasiib daro tahay in nabadgelyo darro looga baqo dadka reer  Awdal.  “In maanta la yidhaahdo ha is-dilina oo laynaga waaniyo oo nabada ha duminina la yidhaahdo waa nasiib daro, iyadoo maanta magaaladda Boorama caasimadaha  ugu weyn ee dalka oo horumartay,  taas oo ay keentay nabadgelyadu in maanta aynu duminaa miyay xaq tahay”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply