Xuska 18.ka May Iyo Sidii Berbera Ugu Dabaal Degeen

0
352

Xuskii sanad guurada 24 aad ee maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May, ayaa si wayn looga xusay magaalo xeebeeka Berbera iyo dhamaan degaanada gobalka Saaxil, waxaana isugu soo baxay wadooyinka waawayn ee magalada Berbera kumanaan kamida dadwaynaha ku dhaqan iyagoo sitay astaanka qaranka waxaanay ku dhawaaqyeen weedho ay ku muujinayaan wadaniyada islmarkaana ay ku muujinayaan madax banaanida Somaliland.
 
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera ee ka qayb qaadanayay dabaaldega ayaa isugu soo biyo-shubtay fagaaraha magaalada, waxaana goobtaasi hadalo uga soo jeediyay masuuliyiin uu hor kacayo wasiirka wasaarada kaluumaysiga Somaliland Md; Cali Jaamac Faarax (Buureed), masuuliyiinta gobalka iyo ka degmada Berbera, maareeyaha dekada Berbera iyo xildhibaano, Masuuliyiintaasi oo dhamaantood ka waramay taariikhdii ay ku timi maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May iyo taariikhdii iyo halagankii dhaqdhaqaaqii SNM.
 
Wasiirka wasaarada kaluumaysiga Somaliland Md; Cali Jaamac Faarax (Buureed), oo dadwaynihii isku soo baxay fagaaraha khudbad u jeediyay ayaa hambalyo u diray shacbiga Somaliland, waxaanu sheegay in mudadii Somaliland jirtay wax badan qabsatay waxaana hadaladiisa ka mid ahaa, “waxaan idiin diraynaa hamabalyo, waxaan alle ka baryayaa in sanadkaa sanadkiisa aynu ku gaadhno guul iyo horumar, nabad iyo barwaaqo ku gaadhno. Waad og-tihiin oo waxa ka soo wareegtay 24 sanno gooni isku taagi Somaliland, wax badan ayay ku talaabsatay oo aduun badan kaga horaysaa ictiraafka illaahaybaa wax ictiraafa Rabbi ayaynu icraaf ka baryaynaa bini’aadan inooma hayo”.
 
Badhasaabka gobalka Saaxil Famhi Cabdi Bidaar, oo la hadalay dadwaynihii isku soo baxay fagaaraha, ayaa waxa uu yidhi “Ilaahay waxaan ka baryaynaa in ictraaf ay hesho Somaliland. Waxaan Alle ka baryayaa in sanadkaa sanadkiisa aynu ku gaadhno caafimaad iyo inagoo xora sidaas ayaan  Illahay ka baryaynaa”.
 
Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan, oo isna khudbad u jeediyay dadwaynihii reer Berbera ee isku soo baxay fagaaraha ayaa hambalyo u diray bulshsada reer Berbera iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, “hamabalyo hamabalyo shucuur wanaagsan ayaad muujiseen, waxaynu maanta ku xusaynaa sanad guurada 24 aad ee maalinta qaranimada Somaliland, waxaynu leenahay oo aynu ku celinaynaa oo halku dhageenu yahay (Somaliland Dalkayga Doodi Kama Taagna).
 
Maareeyaha dekada Berbera Eng; Cali  Axmed Cumar (Cali Xoor-xoor), oo halkaasi ka hadalay ayaa dhankiisa ku hambalayeeyay sida wadaniyada ee ay ugu soo baxeen xuska sanad guurada 24 aad ee maalinta qaranimada Somaliland 18 May.
 
Xuska sanad guurada 24 aad ee maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaatay hayahada laamaha dowlada, shirkadaha gaarka ee ganacsiga, sidoo kalena waxa dhoolo tus dhinaca  badda ah ka sameeyay ciidamada badda Somailand iyo kaluumaysatada gobalka Saaxil .
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply