Dalka Morco gabadh xanuunsatay ayay qoyskoodu geeyeen goob cilaaj ah oo ay doonayeen in lagu dabiibo. Ka dib markii la sheegay inay galeen. Gabadhan oo ahayd hooyo 8 caruur dhashay aya ku dhimatay xaruntaasi cilaajka ka dib markii sheekha cilaajka ku lahaa deegaanka Dawar Binu Salaax ee dalkaasi uu ku garaacay ul xoogan oo uu sheegay inuu kaga eryayo Jinka.
Gabadhan oo 40 jir ahayd ayay qoyskeedu aaminsanayeen in Jin derderay. Sheekha ayaa jidhkeeda usha meel kasta kala dhacay isagoo ku akhriyay Aayado Quraanka Kariimka ah. ( Wargeyska K.youm 17/05/2015).