Daacish oo Horumar ka Sameynaysa Dagaalka Ciraaq iyo Suuriya

0
530

Mintidiin ka tirsan kooxda Daacish, ayaa lagu soo waramayaa in ay xoojinayaan gacan ku hayntooda magaalada Palmyra, ee khadiimiga ah ee ku taala waqooyi bari Damascus.
Iyadoo galbeedka dalalka Suuriya iyo Ciraaqba meelo kale ay qabsadeen sida magaalada weyn ee Ramadi, oo ay la wareegeen axadii, haatana waxa ay horay ugu sii siqayaan in ay qabsadaan barta xuduuda u dambaysa ee ay wadagaan labadaasi dal, waxa ay sidoo kale ku durkayaan dhanka waqooyi ee magaalada Ramadi.
Arrintan ayaa muujinaysa howlgalka lama filaanka ah ay sameeyeen, kooxda Daacish taas oo siisay inay hore u socdaan.
Dalka Suuriyana, waxaa jira warar sheegaya in ay sameeyeen horumar ballaadhaan oo kale, oo ayna la wareegeen goobtii ugu dambaysay ee dhanka xuduuda ah oo ay gacanta ku haysay dowladda Ciraaq, ee al-Tanaf, oo sidoo kale loo yaqaano al-Walid ee dhanka Ciraaq ay maamusho.
Tan ayaa suura gelinaysa Daacish, in ay isku xidhaan goobaha ay joogaan ee waqooyiga bartamaha Suuriya, waxa ayna galaangal toos ah ku yeelanayaan magaalada gacanta ay ku hayaan ee Canbar, ee ku taala gobalka waqooyi ee Ciraaq.
Daacish
Kaddib markii ay qabsadeen caasimadii gobolka, waxa ay u dhaqaaqeen dhanka bari ee magaalada, iyagoo raacaya dooxada wabiga Euphtares, waxa ayna ka talaabeen goobahii ay difaacayeen dawladda, ee ka hor inta aan la gaadhin magaalada Habaniya.
Meeshan ayaa ah meel ay isku urursadeen malashiyaadka shiicada ah ee dawladda taabacsan iyo xooggaga dawladda, laakiin kooxdan Daacish, ayaan iyagu aanu u fadhin in lasoo weeraro, laakiin iyaga ayaa dulaanka wada.
Haddii ay Daacish qabsato Habaniya, waxaa suuragal ah inay u gudbi karaan magaalada Faluuja, oo ah magaalo Sunigu haystaan in kabadan sanad, weeraro dhawr jeer ay ku qaadeen dowladda halkaasina, waa ay u suura geli wayday in ay gacanta ku dhigaan magaaladaasi.
 
 

Leave a Reply