Danyeerka Cusub Oo Laga Helay Aasiya

0
380

Cilmibaadheyaal dalkaasi Maraykanka ah ayaa sheegay inay heleen  danyeerka loo yaqaano Marmoset oo cusub kaas oo la mid ah bini’aadamka marka la eegaayo dhinaca dareenka,iyada oo loo fiirsanaayey intaasi cilmi baadhistu socotay,hababka uu ula dhaqmaayo saaxiibadiisa kale ee ay wada jogaan.
Cilmibaadhistaasi waxay tusaysaa in daanyeerkaasi samaynaayo dareeno kala duwan oo kuwa dadka lamid ah ,isaga oo sidoo kalena sugaaya inta qofku usoo dhowaanaayo ,xataa isaga oo hadlaaya ,una hadlaaya si is daba jog ah  siina wadaaya hadalkaasi saacad  badhkeed,iyada oo xayawaanaadka agtiisa joogaana aanay ka dhex galay hadalkiisa,waxaanay u dhegaysanayaan si saaxiibtinimo ah ,sida ay sheegeen dadkaasi cilmibaadhistaasi sameeyey,waxaanay sidaa ku sheegeen waraysi lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo Current Biology.
“aad ayaanu ula yaabnay markaanu aragnay sida uu ugu jawaabaayo danyeerkaasi kuwa kale saaxiibadiis ah ,isaga oo bedelaya codkiisa ,waxaanu isticmaalayaa xaalad isku xig xigta,gaar ahaana marka ay keli keli wax u qabanayaan”sidaasna waxa yidhi mid kamid ah cilmibaadheyaashaasi oo lagu magcaabo Asif Ghazanfar ,kana mid ah jaamacadda Princeton University.
“tani waxay samaynaysaa in waxaanu helay ay lamid yihiin waxa uu bami’aadmigu sameeyo sida wada hadalka ama wada sheekaysiga,iyada oo ay aad uga duwan tahay codka ay isugu yeedhaan xayawaanku ,sida shimbiraha ,raha iyo xayawaanada kale ee dunnidan ku nooli”ayuu intaasi ku daray.
Waxaanay dhigeen xawayaankaasi meel aad u durugsan ,iyada oo ay suurtogal tahay inay kuwa kale maqlaan ,waxaanay sheegeen khubaradani inay sidaasi u sameeyeen si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqa xayawaankaasi yar iyo habkiisa macaamil ee uu samaynaayo.
Waxaanay cilmibaadheyaashaasi sheegeen in aan xayawaankaasi aanu mar keliyaata hadlayn ee uu sugaayo ilaa 5 minit inta uu ka kale jawaabaayo,ama hadalka dhamaysanaayo.
Waxa kale oo ay sheegeen cilmibaadheyaashaasi inay sii wadayaan baadhitaanka danyeerkaasi,iyaga oo eegaaya waxyaalaha faa’idada lahe ee ay ka heli karaan bani’aadmigu ,waxa kale oo ay sheegeen in la baadhaayo sida uu difaacyada jidhkiisu isaga difaacaan xanuunada qaarkood,kuwaas oo uu u nugul yahay dadku.

Leave a Reply