Khubarro Reer Singapore Ah Oo Sheegay Inay Ogaadeen In Qayladu Yarayso Xanuunka Qofka Nabarku Soo Gaadho

0
386

Saynisyahano kamid ah macalimiinta jaamacadda National University oo kamid ah jaamacaddaha ku yaala dalka Singapore ayaa sheegay in qayladu qayb ka qaadato in qofku ilaawo xanuunka nafsiga ah iyo ka jidh ahaaneed ee haysta ,iyaga oo sheegay in  xanuunkaasi uu qofkaasi ilaawo  20%.
Khubaradan ayaa sameeyey tijaabo shan qaybood ka koobnayd oo ay ka qayb qaateen dad gaadhaaya 55 qof,kuwaas oo si mutadawacnimo ah uga qayb qaatay tijaabadaasi,waxaanay gacmahooda saareen meelo kulul,kuwaas oo qayliyey markii ay xanuunsadeen,taasina waxay keentay in la ogaado in qayladaasi keento inuu qofku qaylada ku ilaawo qayb xanuunkaasi kamid ah.
Sidoo kale qayb labaad ayaa lagu amray dadkaasi tijaabada samaynaayey inay aamusaan oo haddana gacantooda midig saaraan meel kulul,taas oo keentay inay xanuun badan dareemaan ,ugu dambayna is hayn kari waayaan oo qayliyaan.
Khubaradan ayaa qayb walba waqtiga u eegaysay,taas oo marka dambena dadkaasi gacanta loo gelinaayey baraf meeshaasi ka ag dhowaa,waxaanay sheegeen in natiijadii noqotay in xanuunka ya dareemaan kooxdii qaylisay muddo yar oo 24 second ah,halka kuwii aan qaylinina ay dareemeen  xanuunkaasi muddo dhan  29 second,taas oo ka duwan qaybtii hore.
Waxaanay sheegeen khubaradani inay sii wadayaan tijaabadan ,ilaa ay gaadhaan natiijada ugu dambaysa.
 
 

Leave a Reply