Mobile Ku Qarxay Gabadh Sidatay

0
458

Qoys Maraykan ah ayaa ku tilmaamay Mobilka iphone 5c,  ee ay soo saarto shirkadda Apple mid halis ah oo aan amaan ahayn. Qoyska ayaa dhaleecayntan soo jeediyay ka dib markii gabadh ay dhaleen uu dhaawac ka soo gaadhay qaraxa telefoonkaasi oo ay jeebadda ku sidatay.  Iyagoo eedda qaraxana dusha ka saaray shirkadda. Qosykan oo degean magaalada Faladlefia ee Maraykanka ayaa intaasi ku daray in inantooda oo 12 sano jirtay ay telelfoonka isticmaalaysay  ilaa bishii Novembar ee kal hore, waxayna ku doodeen inuu iskiis u qarxay iyadoo jeebadeeda danbe uu ku jiro oo holac ka baxay.
Shirkadda Apple aya suuqyada soo gelisay telefoonkan oo nooca iPhone 5 C , sanadkii 2013 isagoo ah nooc jaban, oo haddana watay  dhamaan sifooyinka iyo isticmaalka uu leeyahay telefoonka caqliga badan ee ay samayso shirkaddu. Telefoonkan ayay ka samaysay maadooyin caag ah oo ah polycarbonate Polypropylene  si loo yareeyo kharashka ku baxa samayntiisa.

Leave a Reply