Wadanka Ingiriiska Oo Aad Looga Cabanayo Isticmaalka Sigaarka E-Electronics ka Ah

0
363

Hay’adaha ugu waaweyn ee dhinaca caafimaadka dalkaasi Ingiriiska iyo wadamo oo Yurub ah ayaa cabasho ka muujiyey cabitaanka sigaarka loo yaqaano E-Cigarettes oo dhibaato badan ku haya wadankaasi dadka ku nool.
Baadhitaano ay sameeyeen dhowanahan hay’adahaasi ayaa lagu sheegay  in sigaarkaasi cabitaankiisu keenay inay dadweynuhu dhibaatooyin kala kulmaan meelaha ay isugu yimaadan oo ay dadka qaarkood isugu yimaadaan,kuwaas oo ay dhibaatadu ka timaado qiiqa uu sameeyo sigaarkaasi.
Sigaarkan ayaa la sheegay inuu sababo dhaawacyo kala duwan oo aad uga khatar badan kuwa caadiga ah ,kuwaas oo sababa dhibaatooyin aan laga soo kaban Karin ,gaar ahaana dhinaca sambabada ,waxaanay sameeyeen khubaradani saddex nooc oo sigaarkaasi kamid ah ,kuwaas oo kamid 13 nooc oo laga isticmaalo wadanka Ingiriiska iyo Maraykanka,kuwaas oo ka sun badan saddex jeer laab kuwa caadiga ah .
Waxyaalaha aadka u dhibaatada badan ayaa ah kuwa ka samaysan noocyada muuska iyo sidoo kalena khudaarta loo yaqaano Hot Cinnamon,sidoo kalena nooc ayaa ah mid laga helo Tobacco Menthol,iyada oo ay khubaradaasi isticmaaleen sambabo aan dabiici ahayn,kaas oo lagu tijaabiyey suntan loo yaqaano Nicotine,taas oo dareere ahaan ugu jirta sigaarkaasi.
Waxaanay soo bandhigeen khubaradani dhibaato badan oo uu sigaarkaasi lee yahay,kaas oo keena dhibaatooyin badan oo dhinaca sambabada ah,kuwaas oo uu keeno sigaarkaasi ,iyaga oo usoo jeediyey dawladaha dalalkaasi Maraykanka iyo Ingiriiska.
 
 
 
 

Leave a Reply