Ganacsi Wax Badan La Iska Waydiiyo Faa’iido Mise Khasaare Ayuu Leeyahay

0
372

“ dee laba isku dhaw maaha maanta waxaan ahay mulkiile shalayna waxaan ahaa mid gacan kale ku hoos jira….. Mid ka mid ah dhalinyarada wada gaadiidka yar yar
 
Waxa jirta in dhalinyaro fara badani ay hada ka ganacsadaan wadida gaadiidka yar yare e magaalada iskaga dhex socdaala kuwaas oo loo yaqaan Gaadhi Dukhaanka  ama Raaxo kuwaas oo ay dhalinyaro fara badan oo aan markii hore lahayn ganacsi ay u madax banana yihiin aan lahayn oo ahaa kuwo shaqaale ahaa oo dhaqaalaha maalintii soo gala ahaa mid aad uga yar kan ay hada helaan, in kasta oo wadida gaadiidkan yar yar ee ay dhalinyaradu kusoo badatay ay leeyihiin dhibaatooyinkooda haddana waa mid ay dhalinyaro badani ka heshay shaqo, qaar ayaa iyagu iska leh gaadiidkan halka ay kuwa kalana ay yihiin kuwo cid kale u wada oo kharashkooda ka hela.
Kan ayaa ah mid ay doodi ka taagan tahay khasaare iyo faa’iido ka uu u leeyahay bulshada.
Sidaas oo ay tahay waxaanu isku daynay inaan wax ka ogaano bal sida ay dhalinyaradan ay noloshoodu ay u badeshay waxaan la kulanay dhalinyaro iyagu ah kuwa wada gaadiidkan yar yar waxaana ka mid ah C/wahaab waxa uu noo sheegay inuu markii hore ahaa mid ka shaqeeya gaadiidka basaska oo ahaa kirishbooy laakiin uu maanta yahay mid iska leh gaadhigan oo uu maalintii ka helo ilaa $20 doolar waxa sidoo kale is bar bar dhigay farqiqa u dhaxeeya hadda iyo markii hore waxa uu sheegay inuu aad uga fiican tahay xaaladiisa dhaqaale tii uu markii hore ku jiray waxaanu yidhi: “ dee laba isku dhaw maaha maanta waxaan ahay mulkiile shalayna waxaan ahaa mid gacan kale ku hoos jira waxaan markii hore heli jiray ilaa 10,000 ilaa 30,000 halka aan maanta habeenkii la hoydo lacag gaadhaysa ilaa $ 20 doolar waanad arki kartaa farqiqa u dhaxeeya”.
Waxa intaas ku daray inuu hadda ku hamiyaayo inuu yeesho hanti aan gaadhigan ahayn waayo waxa ii dhiganta lacag markii hore laakiin ma bay ahayn wax wax ka dhigmayaan.
Waxaan sidoo kale aanu waydiinay inuu gaadiidkani uu yahay mid dhibaato badan ku haya dadka waxaa uu yidhi: “ waa jirtaa oo dadku iskuwada gacan maaha markaa anigu waxaan ku jiraa dadka aadka uga faa’iiday ganacsigan markaa waxaan ku dadaalaa sidii aan uga faa’idaysan lahaa laakiin waa jirtaa in dhalinyaro badani ay si khaldan uga faa’idaysteen oo ay moodayaan in xoog iyo xawaare lagu kaxeeyo markaa waxa uu la mid yahay ayaan isleeyahay ganacsiyadan kale”.
Waxaanu sidoo kale waydiinay waxa uu ku doortay gaadhigan yar waxa uu yidhi: “ waxa aad moodaa inuu gaadiidkani yahay kuwo loogu tala galay dadkeena oo kale oo waayo wax shiidaal ah kaama cunaayo oo kaagama baahna inaad shiidaal badan aad ku shubto kaas oo qaaliya laakiin kani waa ka shiidaal cunis yar yahay”.
Balse fikirkaasi mid ka duwan ayaa isagana waxa aaminsan Mukhtaar oo ka mid ah dhalinyarada magaalada waxaanu yidhi: “ iska daa faa’iido laga helee waxaad maalin walba aad arkaysaa khasaaraha uu gaysanaayo oo waxa uu gacanta uu u galay da’yar yar yar oo aan khibrad badan u lahayn wadida gaadhiga ayaa iska kaxaysanaaya oo waxay u badan yihiin kuwo aan kaxayn ka horba gaadhi markaa waxa intaas dheer inuu wato dhaqamo xun xun oo bulshada uu kusoo kordhiyay markaa iska daa faa’iido uu yeesho oo dhaqaale kaasoo galee khasaarihiisa ayaa ka badan…… Bal maalinkasta eeg waxa shil magaaladan ka dhaca waxa u badan gaadiidkan oo ay sabab u tahay dhalinyaro aan aqoon u lahaynoo kaxaynaaya waxaananu u naqaanaa Hooyo ha tahriibin ee Dukhaan aan kuu iibiyo”.
Fikirkan ayaa ah mid in badan aad arkaysid iyada oo ay dadku wax iska waydiinayaan. Bal adba u gar qaad akhriste.
 

Leave a Reply