Golaha Wakiiladda Oo Fashiliyay Mooshin Xisbiga WADDANI Ku Doonayay Inuu Kula Wareego Maayarrada Magaalooyinka Waaweyn

0
501

Hargeysa (Dawan) Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa  Isniintii todobaadkan dhiciseeyay mooshin lagu fududeynayay  Qorshe  lagaga takhalusi lahaa Maayarrada Magaalooyinka waaweyn ee dalka. Mooshinkaasi oo ay soo nashqadeeyeen Guddiga mus-dambeedka xisbiga WADDANI ee go’aamisa siyaasadda iyo qorsheyaasha maalin laha ah ee xisbigaas.
Guddida mus-dambeedka WADDANI oo iskugu jira siyaasiyiin iyo ganacsato kala duwan oo dhammaantood ka soo jeeda beesha Guddoomiyaha WADDANI, ayaa dhawaan shirar ay yeesheen waxay ka soo saareen in wax laga bedalo xeerka maamulka goboladda iyo degmooyinka si loo sahlo jidkii lagu soo gole joojin lahaa maayarrada magaalooyinka qaarkood, ka dib markii Guddigu ay isku raacday in mudaharaadyadii sharci darrada ahaa ee ay dhawaan dalka ka iclaamiyeen ay ka socon waayeen dhinaca Guddoomiyeyaasha  Goleyaasha deegaanka.
Guddigu waxay is tuseen in loo baahan yahay   inay wax ku yeeshaan Maayarrada Magaalooyinka, taasna ay ugu suurto-galayso in wax laga bedallo xeer LR23.
Fashilaadii  Mooshinka.
 
 
Fadhigii Wakiillada ee Isniintii ayaa la soo hordhigay mooshin xildhibaanno golaha ka mid ahi ku doonayeen wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland ee Lr.23, gaar ahaan qodobbadiisa 14, 40, 66 iyo 89-aad oo uu ku jiro qodobka qeexaya qaabka xil-ka-qaadista maayarrada oo dhigaya in lagu ridi karo codka laba meeloodoow saddex meelood tirada xildhibaannada golaha degaanka, balse mooshinku dalbanayey in tiro fudud oo hal-dheeri ah xilka lagaga qaadi karo maayar walba. Hase ahaatee, mooshinkaasi ayaa guul- darraystay kadib markii goluhu ka horjeestay meelmarintiisa, iyadoo Guddoomiye Cirro oo shirguddoomiyey fadhiga uu cod geliyey ansixinta ama diidmada kaabista iyo wax-ka-beddelka xeerka Lr 23 ee mooshinka, waxaanna ogolaaday soo jeedintaasi 21 xildhibaan, halka 25 mudane u codeeyeen in la laalo, sidoo kalena 6 kale ay ka aamuseen, guddoomiyuhuna aannu codayn, sidaasna uu ku guuldarraysay ansixinta wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyo Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka oo fududaynayey xilka-qaadista maayarrada degmooyinku.
Xeeladda Cusub Ee Kooxdii wadatay Mooshinkan
 
Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka ee Wakiillada Md. Maxamed Cali Xirsi, oo mid ah Mudane ka soo jeeda xisbiga KULMIYE, hase yeeshee muddooyinkan dambe doolka kula jooga WADDANI, kana mid ahaa Mudaneyaashii xambaarsanaa mooshinkan WADDANI, ayaa mar uu la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta dalka qaarkeed, waxa uu  aflagaadeeyay xildhibaannada Golaha Wakiiladda oo uu ku eedeeyay inay laaluus qaateen.
 
Xildhibaankaasi oo ka cadhooday guuldarrada kaga dhacday mooshinkan, ayaa sheegay in fashilaada arrintan ay ka  dhalatay laaluush loo qeybiyay Golaha, arrintaasi oo ah dambi uu ka galay Golaha uu ka tirsan yahay laftiisa.
 
 
“Waxaan u mahadcelinayaa maayarrada degmooyinka intooda badan ee aan ka qaybqaadan dhex-galka lagu sameeyay  Golaha Wakiillada, intooda badan ee qaatay ama aqbalay ee yidhi waxa Baarlamaanku soo gooyaan ayey noogu dhan tahay, waxaannu aad uga xumahay kuwa soo dhex-galay ee ka ololeeyey mooshinkan. Haseyeeshee, waxaannu u sheegaynaa in annagu guddi ahaan iyo gole ahaanba inta jecel inay qaranka u shaqayso marnaba aannaan ka daalayn cod nalagaga badiyey oo danta qaranka lagaga leexanayo.
 
Waxaannu halkan ka ballanqaadaynaa oo aannu iminkaba bilownay in mooshin kale oo isla qodobkan ah in aannu soo dhignay oo ay saxeexeen 11 xildhibaan oo waqti kasta aannu soo dhigayno intaan golaha la fasixin, kaasi oo aannu ku sii wadanayno wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerkan ilaa ay kala daalayaan kuwa lacagta qaata iyo kuwa bixinaya, waxaanna u sheegayaa kuwa laaluushka bixinaya ee golaha la dhex wareegaya, kuwa baloogyada dhulka ah bixinayaa in aanay naga joojin karin intayada jecel in qarankani meelgaadho.”ayuu ku calaacalay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi.
 
Xildhibaanku waxa uu isku dayay inuu asbaabo aan xaqiiqada ku fadhiyin u sameeyo qasdigii laga lahaa Mooshinkan, waxaannu yidhi“Waxyaabaha gole ahaan naga horyimi guud ahaan waxa ka mid ah maayarradu ay diideen inay la kulmaan Golaha Baarlamanka ee shacabka ka wakiilka ah ee u yeedhayey wasiirrada, guddoomiyayaasha iyo cid walba ayey maayarradu yidhaahdeen la kulmi mayno, waxay ahayd arrin fajiciso nagu noqotay, waxaannu u yeedhnay Wasiirka Daakhiliga oo isna waxa uu yidhi aniga ha ii dhaafina waa shaqaalahaygee, waxaannuna u qornay ilaa saddex warqadood oo aannu kaga dalbanayno inuu noo sheego sharciga diidaya in maayarradu la kulmaan Baarlamanka, laakiin ilaa hadda wax jawaab ah kama hayno. Sidaa darteed, annagoo eegayna danta Qaranka, ta dadka masaakiinta ah ee cashuurta laga ururiyo, waxay nala noqotay inay muhiim tahay in kaabis lagu sameeyo Xeerka Lr.23.”
 
Gabo-gabo
Hindisaha Mooshinkii ka fashilmay Xisbiga WADDANI, waxa uu noqonayaa fadeexad kale oo Guddoomiyaha muddada loo kordhiyay ee Golaha Wakiiladdu cagaha la galay,taasi oo sii kala fogaynaysa arragtii ay bulshadu ka qabtay xisbiga WADDANI ee ay  hoggaankiisa ku meersan yihiin siyaasiyiinta hal ardaa  ka soo jeeda. Waxa kale oo mooshinkani ahaa fikir  xisbiga WADDANI ku doonayo inuu Golaha Wakiiladda marsiiyo  hindiseyaal  badan oo wax  lagaga bedalayo xeerarka dalka, iyadoo loo baahan yahay in  Xildhibaanadda Goluhu ay indhahooda furan si ay uga taxadaraan in xeerarka wadanka sifooyin aan xalaal ahayn loogu tagri fallo.
Golaha Wakiiladdu waxa uu dalka ka badbaadiyay  tallaabo khilaafyo aan dhammaad lahayn oo ka dhex dhalan lahaa Goleyaasha deegaanka, isla markaana daciifin lahayd inay Goleyaasha deegaanku ka jibo keenaan adeegyadda kala duwan ee ay u hayaan shacbiga.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply