Haweenay Ameerikaan ah ayaa sheegtay in ay u dabbaaldegayso iyada oo jirsatay sannadkii 116 aad , sidaasna ku noqonaysa qofka ugu da’ weyn dunida inta la og yahay ee waqtigan nool.
Waxa ay tirsatay sannadkii 116 sabtidii , taas oo macnaheedu noqonayso in ay saddexdii qarni ee u danbeeyay mid kasta wax ka soo jirtay.
Haweenaydaasi oo la yidhaa Jeralean Talley waxa ay ku dhalatay Georgia sannadkii 1899 waxayse ku nooshahay waqtigan Michigan.