Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Iyo Danjiraha Somaliland Ee Itoobiya

0
549

Hargeysa (Dawan)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta magacaabay Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Itoobiya.
 
Sidaasna waxa lagu sheegay laba war-saxaafadeed oo uu soo saaray Xoghayaha gaarka ah ee xafiiska Saxaafadda Madaxtooyadda, ahna Ku simaha afhayeenka madaxtooyadda Md. Naasir Yuusuf Daahir, waxaanay u qornaayeen sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3319/052015  uu ku magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia.
 
Madaxweynuhu:-Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:  Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda;
Markuu Aqoonsaday:Baahida weyn ee loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;
Markuu ku Qancay:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Isku Qanciyey:  In uu hanan karo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;
Wuxuu Go’aansaday
In Mudane, Aadan Xaaji Cali Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
 
MAGACAABIDA WAKIILKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND U FADHIYA DALKA ITOOBYA
 
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
 
Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya;
Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply