Malaysiya oo laga Helay Xabaal Wadareedyo

0
342

Mas’uuliyiinta dalka Malaysia ayaa sheegaya in meel u dhow xudduuda uu dalkaasi la wadaago dalka Thailand lagu arkay xabaal wadareedyo.
Xabaalahaasi ayaa laga helay meel u dhow xeryo ay istcimaali jireen kooxaha dadka tahriibiya.
Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegaysa in xabaalahaasi la rumeysan yahay in ay ku aasan yihiin ilaa iyo boqol qof oo loo maleynayo in ay yihiin muhaajiriin ka kala yimid waddamada Myanmar iyo Bangladesh.
Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Malaysia Axmad Zahid Xamidi ayaa u sheegay mid ka mid ah warbaahinta dalkaasi in uu aad uga naxay in xeryahaasi ay halkaasi ku yiileen muddo shan sano ah.
Horraantii bishan ayaa xabaalo kuwan la mid ah oo la rumeysan yahay in ay ku aasnaayeen muhaajiriin waxaa laga helay koonfurta dalka Thailand.
 

Leave a Reply