Maraykanka: Ciidamada Ciraaq ma hayaan Niyad ay ku Dagaalamaan

0
275

Xoghayaha gaashaandhigga Maraykanka  Ashton Carter ayaa sheegtay in ay ciidamada Ciraaq ee ku sugan magaalada  Ramadi ay muujiyeen niyad jab iyo in aanay haynin wax niyad ah oo ay kula dagaalamaan  xoogaga dawladda islaamiyiinta.
Mr Carter ayaa u sheegay  CNN in ay inkasta  oo ay ka tiro badan yihiin  ciidamada IS haddana ay doorteen in ay cagaha wax ka dayaan.
Haseyeeshee madaxa guddida ammaanka ee Ciraaq  ayaa ku gacan saydhay  kuna tilmaamay war aan sal lahayn.
Dawladda Ciraaq ayaa haatan dhigtay ciidamo shiico ah aagaasi si ay isugu dayaan in ay hor joogsadaan si aany Daacish hore ugu soo socon.
Maleeshiyada  ayaa  sabtidii dib u qabsatay  Husayba, oo ku taal  bariga  Ramadi, waa caasimada gobolka   Anbar , iyada oohalkaasi uu ka socday axadii dagaal culus.
 
 
 
 

Leave a Reply