Rabshado ka Taagan Gobol Maraykanka ah

0
275

Mas’uuliyiinta gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa dadka ugu baaqay in ay is dejiyaan kaddib markii dambi lagu waayay askari boolis ah oo loo haystay dilka dad madow ah oo aan hubaysnayn oo saddex sano ka hor lagu dilay magaalada Cleveland.
Tiro dad ah ayaa loo xidhay dibadbaxyo ka dhacay magaaladaasi kaddib markii askarigaasi oo lagu magacaabo Michael Brelo lagu waayay dambiga ah in uu si kas ah u dilay labo qof oo madowga ameerikaan ah.
Askarigani ka tirsan booliska ayaa isaga oo saaran  gaadhi uu booliska leeyahay 15 xabbo oo rasaas ah ku furay gaadhiga ay wateen  dadkaasi madowga ah oo in muddo ah ay boolisku caydhsanayeen.
Arrintani ayaa ku soo beegmayso iyadoo horey booliska ay u toogteen dhowr qof oo madow ah oo aan hubaysnayn, arrintaasi oo ay dibadbaxyo ka dhasheen guud ahaan dalkaasi mareykanka.
 

Leave a Reply