Somaliland Oo U Ambo-bixinaysa Muqdisho Qoxoontiga Somalia Ee Ka Soo Qaxay Yeman

0
325

Berbera (Dawan) – Wasiirka Wasaarada dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan golaha Wasiirrada iyo Guddoomiyaha gobolka Saaxil, ayaa shalay kormeer ku tagay xarunta ay Xukuumaddu dejisay Qoxoontiga ka soo jeeda Soomaaliya ee ka soo barakacay dagaalada ka socda dalka Yeman.
Wasiirka Wasaaradda dib u dejinta Somaliland oo ay wehelinayeen, Wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa sheegay in xukuumadu ay dadkan barakacayaasha ah u dirayso deegaanada ay ka soo jeedaan ee dalka Soomaaliya.
 
Mudane  Cali Siciid Raygal oo ayaa ugu  horrayn halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Sababta aanu halkan u nimid waxa weeyaan in aanu indho-indhayno oo u kuurgalno xaalada dadka Qoxoontiga ah ee halkan jooga ee u dhashay Soomaaliya, si aanu u ogaano waxay ku noolyihiin iyo hawshooda ayaanu u nimid, waxaana nooga muuqada nolol iyo taakulo wanaagsan oo hay’addaha, madaxda gobolka iyo degmaduba la barbar taagan yihiin.”
 
Wasiirka wasaaradda dib u dejinta Somaliland mudane Cali Siciid Raygal waxa uu intaa ku daray “waxa kale oo noo muuqda in Gaadiid badani u taagan yahay dadkuna ay fayl ku jiraan oo loo qaybinayo nimdaamkii ay ku bixi lahaayeen oo cid walba loo geyn lahaa gurigoodii iyo halkii ay marka hore ka yimaadeen ee Soomaaliya.”
 
Mudane Cali Siciid Raygal waxa  kale oo uu sheegay in Somaliland ay ku nool yihiin kumanaan qaxoonti ah oo ka soo jeeda dalka Soomaalilya, kuwaasi oo ay xukuumadda Somaliland-na u aqoonsantahay qaxoonti, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Somaliland waxa jooga kumanaan Qoxoonti ah oo Soomaaliya u dhashay oo Somaliland ay u aqoonsan tahay inay yihiin dad Qoxoonti ah oo ka soo barakacay dagaaladii ehliga ahaa ee Soomaaliya ka dhacay, Somaliland wey soo dhaweysay, amaankooday sugtaa, daryeelkooda iyo caafimaadkooday sugtaa oo dhamaanba adeegyada bulshaday u fulisaa oo iyadaa (Somaliland) ka masuul ah.” Ayuu yidhi Wasiirka dib u dejintu
 
Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmid Cabdi Bidaar ayaa sheegay in magaalada Berbera ay ka ambabaxeen Gaadiid qaaday dadkan Qoxoontiga ah, waxaanu yidhi “Xubnahan Wasiirada ah oo uu hogaaminayo Wasiirka dib u dejintu, halkan waxay u yimaadeen iyaga oo u kuurgelaya xaalada nololeed, dhaqaale iyo qaabka loo ambabixinayo Qoxoontiga ku sugan Berbera, Wasiir waxaan ku sheegayaa ilaa xalay ilaa todoba Gaadiid ah in ay baxeen, imikana waad aragtaano dadku wey socdaan. Hase yeeshee inta la yidhi waa la qaadayaa iyo inta ay tiradoodu noo hadhayso waxa hadhaya ilaa 280 qof taana taladeena inagaa leh dawlad ahaan.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply