Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Beeraha Oo Ka Warbixiyay Waxyaabaha U Qabsoomay 2014-kii

0
365

Hargaysa (Dawan): -Agaasimaha  guud ee Wasaaradda beeraha Somaliland   C/laahi Ismaaciil Faarax, ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay   Wasaaradaasi   sanadihii u danbeeyay, guud ahaan kasi oo uu sheegay in uu ka kooban yahay qaybo kala duwan. waxaanu  sheegay  agaasimuhu in wasaraddu ay qaranka uga mas’uul tahay sidii loo heli lahaa wax soo saar cunto oo ku filan dadka, isla markaana iyadoo taasi ka duulaysa ay samaysay tababarro kala duwan oo kor loogu qaadayo aqoonta beeralayda.
 
Waxaanu sheegay in wasaaradu ay xafiisyo ay ku leedahay dhamaanba goboladda dalka, oo ay ku jiraan goboladda cusub, iyo sidoo kale qaar ka mid ah degmooyinka dalka, isla markaana ay wasaaradda ka hawlgalaan shaqaale ay tiradoodu gaadhayso 225 qof.
 
 
Sidoo kale agaasimaha  guud waxa uu tilmaamay in wasaaradda beeruhu  ay sanadkii 2014-kii ay hay’adda FAO ka heshay taageero dhinaca gaadiidka ah ayna ku caawisay sided baabuur, kuwaasi oo ay imika dadka beeralayda ah ku gaadhsiiyaan cilmiga ama habka loo yaqaano iskuul-goobeedyadda oo ka socda shan gobol.
Waxaanu  yidhi “Wasaaradda Beeruhu waxay u xilsaaran tahay, wax soo saarka beeraha, kuwaasi oo ay ka soo go’aan dalagyo kala  duwan. Si kooban haddii aan u sheego waxay u xilsaaran tahay wax soo saarka si dalku u hello wax soo saar ku filan. Wasaaradda xafiisyadeedu waxay ka furan yihiin dhamaanba goboladda dalka, waxaanay ku leedahay shaqaale oo ay ku jiraan goboladda cusub degmooyinkana qaarkood way ku leedahay xafiisyo, sida Baki, Garbo-dadar, Dilla iyo kuwo kale.Shaqaalaha Wasaaradu waa 225 qof, oo ka kala hawl gala xarunta wasaaradda iyo goboladda dalka”.
Waxaanu intaasi ku daray “Waxqabadka Wasaaradda Beeraha ee sanadkan haddii aan ka hadlo, dhinaca wax beerista,  roobka aynu helnaa waa mid kooban, laakiin wasaaradda beeruhu iyadoo dedaalaysa, beeralayda Somaliland waxay u qaybsan tahay laba qaybood, waa qayb roobka wax ku falata, ama ku beerata, iyo qayb biyaha ceelasha iyo durduradda wax ku falata, maadaama oo ay wasaaradu dalka u xilsaaran tahay sidii loo heli lahaa wax  soo saar ku  filan.
 
Labadda  qaybood ee beeralayda ahba waxaanu ku dedaalnaa in aanu gaadhsiino tababarro, lagu barayo sidii wax soo saarka loo kordhin lahaa, waxaanu sanad walba u qabanaa tababaro aanu ku qabano Aburin,  goboladda oo aanu beeralayda isugu keeno, kuwaasi oo aanu ku baraarujino qaabka wax loo soo saarno, kuna barno cilmiyo faro badan, iyo sida uu isku bedelayo cilmigu, mar dibi ayaa lagu qodi jiray, mar yaambo, mar Garow qudha ayaa la beeri jiray, qaabka cusub ee casriga ah ee wax loo beerto oo aanu gaadhsiinay beeralayda waxaa ka mid ah sida dalagyo kala duwan la isugu dhex beero, hal beer oo keliya in ay digirtii, gellaydii iyo hadhuudhkii, sinsintii iyo xabxabkii ay beeri karaan. Ciidana waxaa nafaqeya marka dalaygo  kala duwan la iska dhex beero” ayuu yidhi agaasimuhu.
 
Sidoo kale C/laahi Faarax, waxa uu sheegay in mashruucii ugu weynaa ee ay wasaaraddu heshay ay u qoondeeyeen in lagu qabto biyo joojin iyo ciid celin lagana fulinayo deegaanka Aburiin oo ah halka uu ka soo bilaabmo dooxa Hargeysa, halkaasi oo lagu xidhi doono 680 beerood, kuwaasi oo 41 ka mid ah imika la xidhay, isla markaana sidoo kale  deegaankaasi laga xidhay shan Balli iyo dhawr berkadood.
 
 
Agaasimaha ayaa tilmaamay in mashruucaasi ay ku baxayso lacag gaadhaysa 2 milyan 56 kun oo dollar, waxaanu sheegay inay tahay markii u horaysay oo dhaqaale lacageed oo ay Somaliland ka heshay hay’ad ee la yidhaahdo meesha ugu muhiimsan ku qabsado, idinka awood u leh, hase yeeshee xiliyadii hore ay hay’aduhu meesha ay doonaan iyo wixii ay doonaan ay ku qaban jireen.
 
Mar uu ka waramayay waxqabadka ay wasaaradu sanadkan ka heshay dhinaca hay’adaha, waxa uu yidhi “Waxaanu sanadkan ka helnay hay’adda FAO 8 baabuur, oo ah kuwa loo yaqaano xaajiyadaha, ujeedadda aanu FAO ugu dalbanay baabuurta noocan ah, waxay ahayd in aanu beeralayda ku gaadhsiino cilmiga.
Sideedaasi gaadhi waxaa imika ku shaqaysa wasaaradda.
 
 
Waxaana baabuurtaasi ku shaqeeya oo cilmiga ku gaadhsiiya beeralayda dhallinyaradii Jaamacadaha ka soo qalinjabiyay iyo aqoonyahamiintii hore wasaaradda u sii joogay, kuwaasi oo gaadhsiiya cilmiga loo yaqaano iskuul goobeedyadda oo shan gobol  laga wado, waxaanay kala yihiin goboladda Togdheer, Saaxil, Maroodi Jeex, Awdal iyo Gabiley, waana inta ay beeraha ugu badan yihiin marka laga reebo Ceerigaabo, hawshaasina si fiican ayay imika u socotaa, waxaana wada 60%  oo aanu ku tababarnay Aburiin, kuwaasi oo sii tabobaray min 30 qof ayay baabuurtaasi u shaqeeyaan”.
 
 
 
 
Waxaanu xusay  C/laahi Ismaaciil Faarax, in sidoo kale ay beeralayda dalka gaadhsiiyeen, siidhka dalagyadda kala duwan iyo suntan lagula dagaalamo cayayaan dhibaateeya.  Waxaanu yidhi sidan
 
“Waxaanu beeralayda gaadhsiinay siidhkii, qalabkii iyo waxyaabaha cayayaanka lagaga hortago, halkaa waxaad ka arkaysaa in wasaaradu ay xoogga saartay xagga cimiga.  Waxqabadka labaad ee wasaaradda beeraha, waxaa ka mid ah in aanu biyaha roobka iyo ciidda joojino, oo marka roobku da’o inta dhulka gasha maahee inta kale waxay ku darsantaa badda, si biyahaas loo joojiyo mashruucii u horeeyay ee ay wasaaradda beeruhu heshay sanadkii dhamaaday ee 2014-kii waxay wasaarada beeruhu gelisay.
 
Waana  markii u horaysay oo hay’ad  lacag keentay ay tidhi Somalilaaneey, maxaa la idiinku qabtaa intii hore hay’aduhu iyagaa lacagta inta ay keenaan wixii ay doonaan ku qabta, laakiin sanadkani waa markii u horaysay oo Somaliland caawimadeeda u tashatay, wasaarada beeruhu iyadoo ka faa’iidaysanaysa caawimadaasi, waxay dooratay in ay biyaha iyo ciidda ku joojiso, waxaanay u doortay deegaanka Aburiin, halkaasi waxaa laga xidhi doonaa 680 beerood, hawshu waa bilow tahay 41 beerood ayaa la xidhay iyo 5 bali oo la qoday iyo berkaddo, rejadayaduna waxay tahay in biyaha dooxa  Hargeysa oo dhan lagu qabto, mashruuca ay wasaarada beeruhu heshay”.
 
 
Isagoo faahfaahinayay sababta loogu doortay deegaanka Abu-riin, waxa uu yidhi “Mashruucu marka uu yahay tijaabo, ma haboona in aad dhibicba gobol geyso oo ay yeelan waydo inay wax muuqdaa ka soo noqdaan, markaa Aburiin, waxaanu ugu dooranay waa halka uu ka soo bilaabmo dooxa Hargeysa, Cusbaaley meesha la yidhaahdo oo Aburiin u dhaw ayuu ka soo bilaabmaa, halkaa bulshadda ku nooli waa wada beerlay, beero badan ayaanu qaaday dooxaasi, in aanu joojino oo dhibici soo mari waydo ayaa la qorsheeyay.
Anagana uu tijaabo noo noqdo mashruucaasi oo la ogaado haddii aanu goboladda u qaybin lahayn mashruucaasi oo lacagta aanu helnay  ay ahayd 2 milyan iyo 56 dollar, lixda gobol haddii aanu u qaybino lagama qaban karo min hal ceel, faa’iidana yeelan mayso, markaa sababtaasi ayaanu u dooranay Aburiin”.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply