Isticmaalka Kiniinka Barasitimoolku Waxay Waxyeelo U Geysan Kartaa Caruurta Uurka Ku Jirta

0
387

Daraasad cusub oo ay sameeyeen kooxo dhakhaatiir iyo Saynisyahano ahi ayaa lagu sheegay in kiniinka Barasitimoolka loo yaqaano oo ay dumarku isticmaalaan waqtiga ay uurka lee yihiin ay keento inuu ilmaha yare soo dhaco ama waxyeelooyin kale soo foodsaaraan.
Cilmibaadheyaashan ayaa sheegay in haddii haweenayda uurka lihi ay isticmaasho kiniinkaasi waxyo is daba yaala ama ama kala gaar gaar ah inay taasi keeni karto inuu soo dhaco ilmaha caloosha ku jiraa ,sidoo kalena ay suurtogal tahay inuu calooshaba ku dhinto.
Daraasadan oo lagu daabacay Wargeysyada caalamka qaar kamid ah,gaar ahaana kuwa lagu qoro waxyaalaha ku salaysan Sayniska ee hadba la ikhtiraaco, waxaanay in badan ku tijaabiyeen jiirar badan oo kuwa tijaabada ah,waxaanay siyeen jiirkaasi ,kaas oo ay markii hore baadhitaano ku sameeyeen inuu caloosha wax ku sido.
Rod Mitchell oo ah cilmi baadhe kamid ah jaamacadda University of Edinburgh oo ahaa ninka kormeeraha ka ahaa cilmibaadhistan ayaa sheegay in ay kula talinayaan dumarka uurka leh in ay raacaan hababka dhakhtarku u qoro markay kiniinkaasi cunayaan,iyada oo loo baahan yahay inay kiniinkaasi ka qaataan oo keliyaata dhakhtar u qora ee aanay meel kale u doonan waqtiyada ay Madaxa u cunayaan.
Khubaro  dhanka cilmibaadhista ah oo kamid ah jaamacadda Harvard  ayaa daraasad ay hore u sameeyeen ku sheegay in kiniinka Barasitimoolku keeno dhibaato dhinaca dumarka h ,gaar ahaana inuu waxyeelo soo gaadhsiiyo Ilma Galeen oo uu dal dalooliyo,waxaanay dhibaatadani noqonaysaa tii labaad ee ay khubarada dhinaca Saynisku soo saaraan muddo bil gudeheed ah.

Leave a Reply