Ardayda Golis Oo Hargeysa Ku Qabtay Munaasibad Ay Ku Xuseen Maalin Caafimaadka Xoolaha

0
368

Ardayda kuliyada caafimaadka xoolaha jaamacada Golis iyo macaliimiinta ayaa soo qabanqaabiyay munaasibad lagu xusayay maalinta caafimaadka Xoolaha aduunka (world veterinary day) oo dunida oo dhan laga xuso 25 april sanad kasta.
 
Gudoomiye ku xigeenka jaamacada Golis Nimcaan Cabdi Cali, oo ugu horayn munaasibadaasi khudbad ka jeediyay ayaa sharaxay ahmiyada ay lee dahay horumarinta xoolaha isagoona xukuumada ugu baaqay inay shaqaale buuran ay ku maal galiso horumarinta xoolaha waxaanu yidhi “inagoo leh dal noloshiisa badideeda ay ku tiirsan yihiin xoolaha nool, marmarka qaarkood ayaa idhaahdaa waar malaha sheekadaasi waxba kama jiraan hadii aynu ku tiirsan nahay dhaqaale ahaan xoolaha nool, sida dunida kale ayaynu u daryeeli lahayn oo aynu u hagaajin lahayn, waxaan dowladana u soo jeedinaynaa inay dhaqaalaha ugu badan ku bixiso maadaama laf dhafteena dhaqaale yahay xoolaha nool”.
 
Hormoodka kuliyada xoolaha jaamacada Golis Dr; Cabdiraxmaan Axmed Xasan. ayaa dhankiisa sharaxaad ka bixiyay muhiimada xuska maalinta caafimaadka Xoolaha (world veterinary day) isagoo sheegay inay maalintaasi ay tahay maailn aqooyahanada caafimaadka xoolaha isku waydaarsadaan aqoon waxaani yidhi “maalintani waxa weeyan maalin aqooyahanada xoolaha isku waydaarsadaan aqoon iyo khibrad ay ka heleen fiilka ay ka shaqeynayaan oo ah fiil aa u balaadhan”.
Gudoomiyaha ururka dhakhaatiirta xoolaha Somaliland. Dr; Khayre Cali Xasan, oo munaasibadaasi kahadlay ayaa sharaxay muhiimada ay xooluhu u lee yihiin nolosha aadamaha iyo barashada cilmiga xoolaha. Jaamadaha dalkana u jeediyay inay ka dhigaan mida koowaad islamrkaana ahmiyad badan la siiyo  “waxay ahayd in cilmiga xanaanada xooluhu ka dhigaan mida ugu muhiimsan kuliyahada cilmiga wadanka laga barto, xiiso uma hayaan dadka  miyiga joogaa inay xoolihii sii dhaqaan runa way tahay, ardeydiidan ayaa hadii imika layidhaahdo miyigii ma qabanaysaan oo xoolo ma soo dhaqaysaan ayaa ay tahay jawaabtiinu xaasha, markaa miyaanay muuqan in mustaqbalka dhow inaga xoolo laynoo soo dhoofsho way iska muuqataa”. Ayuu yidhi Gudoomiyaha ururka dhakhaatiirta xoolaha. Dr; Khayre Cali Xasan,
 
Arday kuliyada caafimaadka xoolaha jaamacada Golis ee magalada Hargeysa iyo macalimiinta, ayaa munaasibaasi ku soo bandhigeen buug lagu magacaabo (Hadii Aan Adiga Ahay)  oo ka hadalaya culuumta xanaanada xoolaha, cuudrada xoolaha ku dhaca iyo tijaabooyin cilmiya oo ay sameeyeen.
Masuuliyyinta jaamacada Golis ee musaasibadaasi ka hadlay ay xusay in qorshayaasha jaamacadaasi yahay fidinta qaybta farsamada (partical) si ardey khabiiro ah ay u soo saaraan iyo dhakhaatiir tayo wanaagsan oo dalka u shaqeeya.
 
 
 
 

Leave a Reply